Ticker

6/recent/ticker-posts

Dhimashadii Dahsoonayd ee Zigmund Adamski😱😱

 Dhimashadii Dahsoonayd ee Zigmund Adamski😱😱

6️⃣-da Bishii June ee sannadkii 1️⃣9️⃣8️⃣0️⃣-kii, nin lagu magacaabi jiray Zigmund Adamski🧔‍♂️, oo ahaa macdan-qode 57 sano jir ah kana soo jeeday dalka Poland 🇵🇱 balse degganaa tuulada Tingley ee galbeedka Yorkshire (Ingiriiska 🇬🇧), ayaa maalin gurigiisa ka baxay si uu u soo iibsado raashin😮. Zigmund wuxuu nolol farxad leh kula noolaa xaaskiisa Lottie👩‍🦳, mana lahayn cadow ay ogaayeen ama la yaqaanay💁. Maalintaas oo cimiladu aad u wanaagsanayd, markii uu sii socday🚶‍♂️ wuxuu la sheekeystay mid ka mid ah jaarkiisa👥️, kadibna wuxuu u dhaqaaqay dhanka magaalada🚶‍♂️. Balse, Zigmund dib dambe looma arag meel uu galay, raq iyo ruuxna maalintaas nolol lagu waayay😭.

Shan maalmood kadib🖐, taariikhdu markay ahayd 11-kii June✌️, meydka Zigmund ayaa laga helay meel dhuxusha lagu keydiyo oo ku taalla magaalada Todmorden🤗, taas oo qiyaastii 20 mayl u jirta gurigiisa😭😱.

Ninkii lahaa goobta dhuxusha, Trevor Parker🧔‍♂️, ayaa subaxdii hore ee maalintaas furay goobta🤗, mana uusan arkin meydka Sigmund😮‍💨. Balse markii uu soo laabtay galabnimadii🤔, abaaro 3:45-tii galabnimo, wuxuu arkay meydka oo yaalla dusha sare ee tuur dhuxul ah oo dhererkeedu yahay 12 mitir😯. Waxaa yaab lahayd in inta u dhaxaysay waqtigaas aan cidna soo gelin goobta, iradduna ay xirnayd.😱


Baaritaankii iyo Waxyaabihii Laga Helay Meydka😯🤔

Booliska iyo kooxaha gurmadka degdegga ah oo goobta yimid ayaa xaqiijiyay in Zigmund🧔‍♂️uu u dhintay wadne-istaag (Heart attack😱) aad u weyn. Markii la sameeyay baaritaan qoto dheer🤔, waxaa soo baxay arrimo aad u layaab badan oo kiiska ka dhigay mid dahsoon😱😭:


1. Calaamadaha Gubashada🔥🌡: Zigmund waxaa qoorta, dhabarka, iyo garabka kaga yaalley calaamado gubasho oo wareeg ah😭. Gubashooyinkan waxaa lagu daboolay walax jel ah (gel) oo aan la garanayn waxa ay tahay🤔. Saynisyahannadu markii dambe way garan waayeen curiyaha walaxdaasi ay ka samaysan tahay💁.

2. Dharka👔: Dharka uu xirnaa si qaldan ayaa loogu galiyay. Koodhkiisa🦺 si kala jeed ah ayaa loogu xirey, surwaalka👖 iyo kabahana👞 si fiican looguma xirin. Shaatigii👔 uu watay maalintii la waayayna ma uusan xirnayn!🤔😲


3. Muuqaalkiisa Jirka🚹: Inkastoo uu maqnaa shan maalmood, jirkiisu wuxuu u ekaa mid aan is beddelin oo kaliya jactadmay, taas oo muujinaysa in laga yaabo in uu muddo tallaagad qaboojisa jirka ku jirey😱. Sidoo kale, jirkiisu wuxuu ahaa mid nadiif ah🤔, mana lahayn wax boor dhuxuleed ah😲, inkastoo uu dusha ka saarnaa tuur dhuxul madow ah👀🤔.


4. Raad La'aanta👞: Tuurka dhuxusha ah ee meydka laga helay dushiisa😲 ma lahayn wax raad kabo ah bini aadam ah💁. Tani waxay u ekeysiisay in ninkaas cirka laga soo tuuray😱 oo uu si toos ah ugu soo dul dhacay dhuxusha🤗, maadaama uusan jirin qof kori kara tuurkaas dhuxusha ah isagoon wax raad ah ka tegin🤔😲.


5. Sababta Dhimashada😮: Dhakhtarka meydka baaray (Coroner🕵) wuxuu sheegay in Zigmund🧔‍♂️ uu u dhintay "Cabsi iyo argagax xad dhaaf ah😭" oo sababay in wadnuhu istaago😲, isagoo xusay in ninkan uu dareemay xanuun iyo cabsi aan la qiyaasi karin ka hor inta uusan dhiman😭😱.

Askari ka tirsanaa booliska🧑‍✈️ oo lagu magacaabo Alan Godfrey🧑‍✈️ ayaa ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee goobta yimid🤔. Godfrey🧑‍✈️ laftiisu wuxuu lix bilood ka hor (November1️⃣9️⃣8️⃣0️⃣ ) la kulmay dhacdo la yaab leh😲 meel aan ka fogeyn halkii meydka Zigmund🧔‍♂️ laga helay.

Godfrey🧑‍✈️, isagoo roondo ku jira😲, wuxuu arkay shey weyn oo qaabka dheemmanka😎👽 u samaysan oo hawada sare taagan (UFO😱). Wuxuu isku dayay inuu raadiyaha kula xiriiro saldhigga🤔😳, balse qalabkii waa uu shaqayn waayay. Muddo kadib💁, wuxuu is arkay isagoo gaarigiisa🚗 wata balse meel kale maraya, waxaana waqtigiisa ka maqnaa qiyaastii 30 daqiiqo 🤔oo uusan xusuusnayn wixii dhacayay 30-kaas daqiiqo🤔. Kabaha askarigaas👞👞 waa ay dillaaceen, cagtiisana waxaa ka muuqday dhaawac fudud😱, taas oo sii xoojisay tuhunka ah in awoodo ka baxsan bani'aadamka ay ku lug lahaayeen deegaankan👽😱.


Gunaanadka Qisada🤔😱


Laba aragtiyood oo xoog leh ayaa kiiskan laga bixiyay😮😳:


Aragtida Kowaad: In qoyska xaaskiisa ay afduubeen Zigmund🧔‍♂️ sababo la xiriira khilaaf qoys😲, uuna ku dhintay gacantooda kadib markii wadnuhu istaagay😭, kadibna meydkiisa la soo dhigay meel cidla ah😮. Hase yeeshee, aragtidaan ma qaadan karto gubashada la yaabka lahayd ee Jirka Zigmund🧔‍♂️🌡🔥 ku taalay iyo walaxdii jelka ahayd💁, iyo sida meydku meel kore uga soo dhacay tuurka dhuxusha😭 ah iyadoon wax raad ahna aanu reebin ciddii soo tuurtay Maydka Zigmund🧔‍♂️😭.


Aragtida Labaad: In Zigmund🧔‍♂️ ay afduubteen makhluuqaad ka yimid meere kale kuwaas oo ah (Aliens👽). Dadka aaminsan aragtidaan waxay daliishanayaan gubashada aan la aqoonsan ee jirka maydka Zigmund🧔‍♂️🔥🌡, waqtiga maqanaanshihiisa🤔, aragti la'aanta raadadka👞 ciddii ku lug lahayd falka dhimashada iyo soo tuurista maydka Zigmund🧔‍♂️😮, iyo dhacdadii askarigii Alan Godfrey🧑‍✈️ ee isla deegaankaas ka dhacday🤔😱.


Haddaba Ilaa maanta, kiiska Zigmund Adamski🧔‍♂️ waa mid furan oo aan la xallini, waxaana lagu tiriyaa mid ka mid ah siraha ugu waaweyn ee dalka Ingiriiska🇬🇧 ee aan weli xal loo helin😲. Cidna si dhab ah uma oga wixii helay Zigmund🧔‍♂️ shantii maalmood ee uu maqnaa iyo cidda ama waxa🤔, sida naxariis darrada ah u dilay😳😱.

                 Dhamaad 


#ZigmundAdamski #DhimashoDahsoon #SheekoDhabAh #SirahaAdduunka #QisooyinCajiibAh

#Mystery #UnsolvedMystery #TrueCrime #Aliens #UFO #Paranormal

#HistoryMystery #SomaliBlogger #SomaliArticle #QisooyinDahsoon #WorldMysteries#HAADKADUULA

Post a Comment

0 Comments