📞⚰️ Qisadii: wicitaankii ka imanayaay Qabriga 📞⚰️👻
Sannadkii 2008, waxaa dhacay shil tareen 🚆💥 oo aad u culus una murugo badan 😔 oo ka dhacay magaalada Los Angeles 🌆 ee dalka maraykanka. Shilkaas waxaa ku dhintay 25 qof ☠️, waxaana ka mid ahaa nin lagu magacaabi jiray Charles Peck, inkasta oo uu Charles dhintay, kana mid ahaa dadkii tareenkaasi galaaftay, haddana;
Charles qoyskiisa waxa u bilaabantay in ay maqlaan wax aad u la yaab badan 😲. Muddo 11 saacadood ah ⏳ ka dib markii shilku dhacay, qoyskiisa, saaxiibbadiis, iyo dhammaan carruurtiisuba 👨👩👧👦 waxay maqlayeen taleefan dhacaya 📱🔔 (calls) ka imanaya taleefanka Charles.
Wadar ahaan, taleefanka Charles wuxuu dadka u soo wacay 35 jeer 🔁📞 si wada jir ah. Marka ay qoysku qabtaan, wax maqal ah ma jirin 😶, kaliya aamusnaan iyo shanqar yar 👂 ayaa laga dhex maqlayay taleefanka, laakiin marnaba ma aysan quusan, waxayna u maleeyeen inuu nool yahay 💔 oo uu caawinaad u baahan yahay. Taleefannadaas badan waxay booliska ka caawiyeen 👮♂️ in ay ogaadaan meesha uu Charles ku xayiran yahay iyagoo raacaya calaamadda (signal-ka) 📡 taleefankiisa.
Markii ay ugu dambeyntii heleen meeshii calaamaddu ka imanaysay 🧭, waxay heleen meydka Charles 😱 oo ku dhex jira burburka tareenka hoostiisa ⚙️🚆. Laakiin halkan waa meesha uu yaabku ka bilaamay 😨:
Dhakhaatiirtu waxa ay xaqiijiyeen 🏥 in Charles uu dhintay isla daqiiqaddii uu shilku dhacay ⏱️, taas oo macnaheedu yahay in uu sii mootanaa 11 saacadood ⌛ ka hor intaanay wicitaanka taleefannadu bilaaban. Taleefankiisii gacanta 📱 marnaba lagama helin meeshii uu maydkiisu yaallay, xataa meeshii meydkiisa laga helay agteeda lagama helin, oo sidaas ayaaba taleefankii lagu waayay ❓.
Sidee qof dhintay ☠️ taleefankiisu u soo wici karaa 35 jeer 📞📞 dad kala duwan isla hal mar, isagoo weliba wacaya dadka uu jecel yahay oo kaliya? 🤍 Dad badan waxay aaminsan yihiin in Charles rooxaantiisu 👻 (ghost) uu isticmaalayay taleefanka si uu samatabbixiyeyaasha ugu hago meydkiisa 🚑 si qoyskiisu ay u helaan isaga una aastaan ⚰️, una macsalaameeyaan 😢.
______Dhammaad_____ 🌑🕯️
#HAADKADUULA #WicitaanQabriga #QisoCabsi #SheekoYaabLeh #Rooxaan #QisoDhabAh #SomaliBlogger #HorrorStory #TrueStory #AfricanMystery
0 Comments