🕯️ Maqaal ku saabsan 10-ka dilaa ee ugu caansan caalamka:
Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa dadka loo yaqaano "Serial Killers" (kuwa dadka badan si taxane ah dila) kuwaas oo naxdin ku reebay caalamka oo dhan. Waxayna u qaybsan yihiin sidatan hoos ku xusan:
🔍 1. Kuwa aan weli la aqoonsan ama la waayay
Jack the Ripper (1888): Waxa uu argagax geliyay magaalada London. Waxa uu dili jiray dumarka jidka istaaga, kuwaasoo loo yaqaan (Dumarka jirkooda ka gacansada) inta uu soo kaxeeyo oo kula heshiiyo qiimo macquul ah oo ka badan intii ay ku shaqaysan jireen ayuu gurigiisa gayn jirey, ka dibna inta la galmoodo, haddana dili jirey, isaga oo qoorta ka goyn jiray. Ilaa hadda lama oga qofka uu ahaa. Waayo cidnaba looma tuhmin in uu dilaagaas ahaa ilaa hadda.
*Belle Gunness: Waxa ay ku caan baxday inay ragga ku soo xero-geliso jirkeeda quruxda badan 💃 iyada oo markaa u ballan qaadaysa guur, ka dibna marka ay aaminaan ayay inta soo dabto ayay dili jirtay si ay lacagtooda u qaadato 💰. Dhimashada nimankaasi waxa ay ahayd mid dahsoon oo aan cidna ogaan.
👥 2. Kuwa bulshada dhexdeeda ku dhuuman jirey;
Dadkani waxa ay u muuqdeen dad caadi ah oo shaqooyin fiican ka shaqeeya, shakhsiyad wanaagsanna dadka kula dhex jiri jirey, laguna arki jirey wanaag fara badan iyo naxariis bulshada dhexdeeda ah 🤝:
*John Wayne Gacy ("Killer Clown"): Waxa uu ahaa nin bulshada dhexdeeda laga ixtiraamo 🎭 oo mararka qaar carruurta u samayn jiray madaalo qurux badan isaga oo iska dhigaya "Clown". Waxa uu dilay ugu yaraan 33 wiilal ahaa oo dhalinyaro ah.
*Dennis Rader ("BTK"): Waxa uu ahaa nin hoggaamiye ka ah kaniisad iyo kooxaha dhalinyarada ⛪. Magaciisa BTK waxa uu u taagnaa (Xir-Jirdil-Dil).
*Harold Shipman ("Dr. Death"): Waxa uu ahaa dhakhtar Ingiriis ah 🩺 oo la aaminsan yahay in uu dilay ilaa 250 qof oo bukaannadiisa ahaa isagoo u isticmaali jirey irbado sun ah, kuna dili jirey bukaannadiisa.
🎬 3. Kuwa filimada laga matalay:
*H.H. Holmes: Waxa uu dhisay hotel loogu talagalay in dadka lagu soo dabo si loogu dhex dilo intii uu socday bandhigga caalamiga ah ee Chicago 1893-kii 🏨.
Ed Gein: Waxa uu caan ku ahaa in uu xubnaha bini-aadamka ka samaysto alaabtiisa guriga 🪑. Isagoo dhibbaneyaashiisa jirkooda jarjari jirey. Sheekadiisa waxaa laga matalay filimo badan oo naxdin ah sida Psycho 🎥.
📺 4. Kuwii warbaahinta aad u qabsaday:
*Ted Bundy: Nin aqoon leh oo jinniyad soo jiidasho leh aadna u qurux badnaa, kaas oo dumar badan ku dilay gobollo kala duwan oo Mareykanka ah 🇺🇸. Maxkamaddiisu waxay ahayd tii ugu horreysay ee telefishanka si toos ah looga baahiyo guud ahaan taariikhda maraykanka.
*Jeffrey Dahmer: Waxaa loo yaqaannay "Bahalkii Milwaukee." Waxaa lagu qabtay isaga oo gurigiisa ku haysta xubno bini-aadam oo uu jarjaray 🩸, sida madax, gacmo iyo lugo, isaga oo qirtay inuu dhibbaneyaashiisa qaarkood hilibkoodii uu cunay.
*Aileen Wuornos: Waxa ay ahayd haweenay dilaa ah 👩🦰 oo dishay 7 nin oo ku sugnaa waddooyinka Florida, iyadoo sheegtay in ay is-daafacaysay, oo dhihbaneyaashu soo wareereen, nin kastaana isku dayayay in uu kufsado ama faraxumeeyo iyada.
#HAADKADUULA #Qisonacdinah #Sheekoserialkiller #Dhacdodhabah #Qisooyinkacaalamka #SheekooyinNaxdinleh #SerialKillers #TaariikhMadow #SheekooyinDhabAh #BloggerSomali
0 Comments