Ma qiyaasi kartaa dareenka aad yeelanayso haddii Rasuulka Alle ﷺ uu adiga si gaar ah kuu xusho, oo uu kuu igmado hawl culus oo diinta u adeegaysa?
Waa sharaf aan la qiyaasi karin iyo maqaam sare, soo maaha?
Sidaas oo kale ayaa ku dhacday 6 ka mid ah Asxaabtii qiimaha badnayd.. kuwaas oo uu Nebigu ﷺ ka dhex doortay asxaabta si ay u gutaan hawl dacwo ah, laakiin may ogeyn in safarkani uu noqon doono kii ay Alle kula kulmi lahaayeen.. Waa qiso ay dhiigooda ku qoreen macnaha dhabta ah ee Jaceylka iyo Naf-hurnimada..
Maanta waxaynu ka sheekaynaynaa Maalintii Ar-Rajiic.. Maalin murugo weyn ku ahayd Islaamka, oo ay la gariirtay qalbiyada Mu'miniintu.
Qisadu waxay bilaabatay markii koox carbeed ay u yimaadeen Nebiga ﷺ iyagoo iska dhigaya inay rabaan cid diinta u dhigta. Rasuulka ﷺ oo jeclaa in khayrku faafo, wuxuu u diray 6 nin oo ah Karamadii iyo xulki asxaabta, waxaana hoggaaminayay geesiyaal ay kamid yihiin Marsad bin Abii Marsad, Khaalid bin Bukayr, Zayd bin Dathina, Khubayb bin Cadi, iyo Cabdullaahi bin Daariq...
Ninka lixaadna? Waa geesigii aan muuqaalkii hore kusoo qaadanay.. Caasim bin Thaabit
Miyaad xasuusataan? Waa ninkii markii uu shahiiday uu Alle u diray ciidan shinni ah si ay jidhkiisa u dhowraan.. Haa, isaga laftiisa ayaa hoggaamiye u ahaa kooxdan barakaysan..
Lixdii nin way dhaqaaqeen iyagoo u hamuun qaba inay Diinta Alle gaarsiiyaan, laakiin markii ay gaareen meel la yiraahdo "Ar-Rajiic", waxaa u cadaatay xaqiiqda qadhaadh..
Qabiilladaasu ma aysan doonayn diin iyo khayr toona.. waxay ahayd Khiyaano Waxaana isku hareereeyay qabiilka Hudayl oo watay ciidan hubaysan, ujeedkuna wuxuu ahaa in la qabto iyagoo nool, si loogu gacan geliyo Qureysh oo markaas u oomanaa dhiigga Muslimiinta si ay ugu aargudaan qasaarihii Badar..
Mushrikiintii ayaa ku qayliyay: Is dhiiba Waxaan idiin ballan qaadaynaa inaanan idin diline..
Hadalkaas waxaa ka diiday Caasim bin Thaabit, Marsad iyo Khaalid, waxayna ku jawaabeen cod geesinimo leh: "Walaahi aqbali mayno ballan gaal iyo damaanaddiisa, ismana dhiibayno."
Wayna dagaallameen iyagoo diidan dulliga ilaa saddexdoodiiba ay ku shahiideen halkaas.. (Sidaasna ayuu Caasim ku helay karaamadii aan horey u sheegnay inaan jidhkiisa la taaban).
Waxaa soo haray saddex kale, kuwaas oo aaminay ballanta mushrikiinta wayna is dhiibeen si ay u badbaadaan, balse gaaladu ballan maleh. Isla markiiba xoog ayaa lagu qabtay oo waa la xirxiray..
Cabdullaahi bin Daariq markuu arkay khiyaanadaas, wuxuu isku dayay inuu xarigga iska gooyo oo dagaallamo, balse dhagax ayay ku dileen ilaa uu isna halkaas ku shahiiday, oo uu kula biiray walaalihiisii hore ee Janno galay..
Waxaa silsilado lagu kaxeeyay laba kaliya.. Zayd bin Dathina iyo Khubayb bin Cadi.
Waa la kaxeeyay oo waxaa lagu xaraashay magaalada Maka.. Bal qiyaasa xanuunka ay leedahay! Saxaabo sharaf leh oo lagu kala iibsanayo suuqa Maka si loogu gowraco aargoosi darteed..
Markii la keenay Zayd fagaaraha dilka, Abuu Sufyaan oo markaas gaal ahaa ayaa weydiiyay su'aal cajiib ah si uu u tijaabiyo samirkiisa, wuxuu yiri:
"Zaydow, Alle baan kugu dhaariyee, ma jeclaan lahayd in Maxamed hadda booskaaga joogo oo aan qoorta ka jarno, adiguna aad ehelkaagii si nabad ah ku dhex joogto?"
Bal dhagayso jawaabta taariikhdu qortay ee buuraha ruxday..
Zayd wuxuu yiri: "Walaahi ma jecli inaan ehelkayga dhex joogo, Nebiga Allena ﷺ uu joogo halka aan hadda joogo, oo ay xitaa qodax yar muddo ama dhibto..
Abuu Sufyaan wuu yaabay wuxuuna yiri: "Weligay ma arag dad qof u jecel sida asxaabta Maxamed ay u jecel yihiin Maxamed."
Kadibna way dileen.. Wuxuuna Zayd ku liibaanay Janno iyo Raalli ahaanshaha Alle.
Khubayb isagu wuxuu ku xirnaa xabsi gaar ah isagoo sugaya maalinta dilkiisa, waxaana u dhacday karaamo Rabbaani ah!
Haweeney reer Maka ah ayaa aragtay isagoo gacanta ku haysta "Bucur Canab ah" oo cunaya, xilli magaalada Maka aysan oollin hal xabbo oo canab ah..
Haweeneydii way yaabtay waxayna tiri: "Arrinku ma ahan wax kale ee waa risqi uu Alle si toos ah u siiyay Khubayb.. Waana martiqaad uu Alle ku sharfay..
Markii la gaaray waqtigii dilka, wuxuu codsaday hal dalab: "ii ogolaada aan laba rakcadood tukado."
Si degdeg ah balse ay ku jirto khushuuc iyo xasilooni ayuu u tukaday, kadibna wuu soo jeestay oo yiri: Walaahi, haddii aydnaan moodayn inaan geerida ka baqayo, waan badsan lahaa salaadda, balse waxaan diiday inaad u qaadataan inaan dhimashada ka argagaxay
Kadib gacmaha ayuu kor u taagay oo habaaray qureysh, wuxuuna ahaa qofkii ugu horreeyay ee jideeyay in la tukado laba rakcadood ka hor inta aan la dilin qofka muslimka ah ee la qisaasayo..
Lixdaas nin.. waxay baxeen iyagoo macallimiin ah, waxayna soo laabteen iyagoo shuhado ah, mid walbana cashar dahabi ah ayuu noo dhigay:
Caasim, Marsad iyo Khaalid.. waxay na bareen Cisiga iyo inaan la aqbalin dulliga gaalada.
Cabdullaahi bin Daariq.. wuxuu na baray in xaqa oo lagu dagaallamo ilaa neefta u dambaysa..
Zayd.. wuxuu na baray macnaha dhabta ah ee Naf-hurnimada iyo in Nebiga ﷺ laga jeclaado naftaada..
Khubayb.. wuxuu na baray in "Salaadda iyo xiriirka Alle" ay yihiin hoyga kaliya ee lagu xasilo marka ay geeridu timaado..
Allow naga dhig kuwa raaca jidkooda, naguna kulmi iyaga iyo Xabiibkeenii Muxammed ﷺ Janatul Firdowsa dhexdeeda. Aamiin.
Wll.. Haddii ay ku dhaqaajisay cisigii Caasim, ama naf-hurnimadii Zayd, ama khushuuca Khubayb..
Ku salli cidda na bartay jaceylkan weyn ee Diinteena islaamka, lana wadaag walaalaha kale..
Muuqaalkana share garee, waayo ereyga wanaagsan ee dadka gaaraa wuxuu miisaanka xasanaadkaaga u noqonayaa sadqo jaariya ah maalinta .
0 Comments