# Sirta Dhimashada Olivia Mabel π’π―️
Galab kamid ah galbihii sannadkii 1994-kii, saldhigga booliiska ayaa laga helay wicitaanno is-daba-joog ah oo aamusnaan ah (911), kuwaas oo ka imaanayay beer ku taalla meel cidlo ah oo ka tirsan gobolka Texas. πΎ
Ciidanka booliiska oo ka jawaabaya wicitaannadaas ayaa gaadhay guriga, balse waxay la kulmeen dhacdo naxdin leh oo su’aalo badan dhalisay. π
Gurigaas oo lagu magacaabo **Footlights Ranch**, waxaa lahaa lamaane lagu kala magacaabo Travis iyo Olivia Mabel. Sannadkii 1990-kii, qoyskan waxaa ku habsatay musiibo weyn kadib markii wiilkoodii keliya ee 7-jirka ahaa, **Aiden**, laga helay isagoo ku qaraqmay balli ku yaallay dhulka beerta. π Geeridaas naxdinta leh waxay burburisay xidhiidhkii qoyska;
Travis wuu ka tagay guriga, halka Olivia ay go'aansatay inay kaligeed isku soo xidho guriga weyn, iyadoo xidhiidhka u jartay dunida inteeda kale, shaqadana ka tagtay. π️
Muddo afar sano ah, cidna ma arag Olivia. Gurigu wuxuu noqday mid cidlo ah, telefoonnada lagama jawaabo, albaabadana lama furo. π
Markii booliisku ay jebiyeen albaabka sannadkii 1994-kii, waxay gudaha ugu tageen guri boodh iyo caaro-caaro qarisay oo u muuqday inaan muddo dheer la dhex marin. πΈ️
Hase yeeshee, markii ay gaadheen qolkii wiilka dhintay ee Aiden, xaaladdu way ka duwanayd. Qolkaasi wuxuu ahaa mid nadiif ah, si heer sare ah loo habeeyay, oo aanay ka muuqan wax boodh ah. ✨
Dhexbartamaha qolka, **Olivia Mabel** ayaa laga helay iyadoo ku dhimatay **kursi lulma (rocking chair)**, gacmahana si adag ugu haysata **boombalo (caruusad)** qori ah oo laga sameeyay dharkii wiilkeeda, taasoo u ekayd qaabka wiilkeeda. Horteeda waxaa yaallay meel loo habeeyay qaab cibaado ama xusuus (altar), oo ay saarnaayeen shumacyo π―️, ubaxyo πΈ, iyo sawirrada Aiden. Waxaa sidoo kale hareeraheeda yaallay qoraallo badan oo ay u qortay wiilkeeda geeriyooday. π
Arrinta ugu yaabka iyo naxdinta badnayd waxay ahayd warqad horteeda tiillay oo ku taariikhaysnayd isla maalintaas booliisku yimid (27-kii Feberweri 1994).
Qoraalku wuxuu u dhignaa:
*"Aiden-kaygiiyow, waan ka xumahay... Waan tegayaa. Kuu ogolaan maayo inaad i haysato, makhluuqaad yahow sharka lihi. Hooyo ayaa kuu imanaysa Aiden."* π
Markii la sameeyay baadhitaanka meydka, dhakhaatiirtu waxay xaqiijiyeen in Olivia ay dhimatay dhowr bilood ka hor, jidhkooduna uu bilaabay inuu qudhmo. ⚰️
Haddana, warqadda laga helay agteeda waxay ku taariikhaysnayd isla maalintaas, guriguna wuxuu ka xidhnaa gudaha mana jirin raad muujinaya in cid kale soo gashay. π€―
Su'aalaha ilaa maanta taagan ayaa ah: Haddii Olivia ay bilo ka hor dhimatay, yaa sameeyay wicitaannada 911 maalintaas?
Yaa qoray warqadda taariikhaysan maalintaas? Dadka qaar ayaa aaminsan in murugada xad-dhaafka ah ee Olivia ay abuurtay **tamar ruuxi ah (Tulpa)** π«️ oo ugu dambayn nafta dhaafisay, halka kuwo kalena ay dhacdadan u arkaan mid kamid ah **siraha ugu waaweyn ee aan weli la xallin**. π΅️♀️
#HAADKADUULA #QisoNaxdinLeh #OliviaMabel #SirQarsoon #DhacdoDhabAh #AfSoomaali #BloggerStory #MysteryStory #TrueCrime #SomaliBlogger
0 Comments