Ticker

6/recent/ticker-posts

😱🕯️ Dhimashadii Dahsoonayd ee Christopher Case 👻⚰️

 😱🕯️ Dhimashadii Dahsoonayd ee Christopher Case 👻⚰️

📅😨 Sannadkii 1991-kii, bishii Abriil, ayaa nin dhallinyaro ah 👨‍🦱 maydkiisa ⚰️ laga helay guriga uu deganaa 🏠, 

ka dib muddo toddobaad ah ⏳ oo uu asxaabtiisa 🗣️ u sheegayay in “wax” 👻 isku dayayaan inay dilaan 🔪.

 Su’aasha is-weydiinta mudan 🤔❓ ayaa ahayd: Ninkani ma cabsi 😱 ayuu u dhintay, mise geeridiisu ⚰️ waxay ahayd natiijo ka dhalatay habaar (Sixir) 🧙‍♀️🪄 lagu riday?

👨‍🦱🧠 Christopher Case wuxuu ahaa nin 35 jir ah, caqli badan 💡, jirkiisana si weyn u daryeela 💪. Wuxuu ka shaqayn jiray idaacadaha 📻 iyo soo saarista muusiga 🎶,

. wuxuuna ku noolaa magaalada Seattle 🏙️ ee dalka Maraykanka 🇺🇸. Christopher wuxuu ahaa nin aan sigaarka 🚭 iyo khamriga 🍺 midna cabin, cunto dheeli-tiran 🥗 cuna, maalin walbana jimicsi sameeya 🏃‍♂️.

 Inkastoo uu saaxiibo lahaa 🤝, haddana wuxuu ahaa nin u badan gooni-joog 😶‍🌫️, oo waqtigiisa ku qaata gurigiisa 🏠 isagoo dhagaysanaya muusiga qadiimiga ah 🎼.

🚗✈️ Dhibaatooyinka Christopher waxay bilaabmeen 11-kii bishii Abriil 📅, toddobaad ka hor dhimashadiisa ⚠️, markaas oo uu safar shaqo u aaday magaalada San Francisco 🌉.

 Intii uu safarka ku jiray, wuxuu la kulmay haweeney 👩‍🦳 ka da’ weyn oo ay wadaageen xiisaha taariikhda 📜 iyo muusiga Masaarida qadiimiga ah 🎶𓂀. 

Haweeneydu waxay Christopher ka dalbatay xiriir jacayl 💔, laakiin isagu si edeb leh 🙏 ayuu u diiday codsigeeda ❌.

😠🧙‍♀️ Diidmadaas waxay ka careysiisay haweeneydii, taas oo u sheegtay inay tahay “Sixiroley” (Witch) 🪄, waxayna ugu hanjabtay 😈 inuu dhiman doono toddobaad gudihiis ⏳⚰️. 

Christopher, oo ahaa nin maskaxdiisu fadhido 🧠 oo aan rumaysnayn waxyaabaha quraafaadka ah ❎, wuu iska dhego-tiray hanjabadaas 🙄, wuxuuna ku soo laabtay Seattle 🏙️.

🌑😨 Laakiin markii uu guriga soo gaaray 🏠, arrimo cabsi leh 👻 ayaa bilaabmay. Subaxnimadii 14-kii Abriil 🌅, Chris wuxuu saaxiibkiis Sammy 🗣️ u sheegay inaanu habeenkii oo dhan seexan 😴❌, 

sababtoo ah wuxuu maqlayay codad 🗣️ isaga la hadlaya iyo hoos (sharuud) 👤 guriga dhex socda 🏠. 

Habeenkii xigay 🌙, wuxuu dareemay in sariirta 🛏️ laga qaaday oo xoog loogu tuuray 😱, markii dambena wuxuu arkay farahiisa ✋ oo yaryar la jarjaray 🩸 iyo dhibco dhiig ah 🩸 oo go’yaasha sariirta ku yaalla.

😱📈 Cabsidii way ku sii kordhay. Wuxuu aaday dukaanka buugaagta diiniga ah 📚✝️, wuxuuna soo iibsaday iskutallaabyo ✝️ iyo buugaag 📖 ka hadlaya sida looga hortago sixirka 🧙‍♀️❌.

 Maamulaha dukaanka 🧓 ayaa kula taliyay inuu cusbo 🧂 isticmaalo. Chris wuxuu gurigiisa ku daadiyay cusbo badan 🧂🧂🧂, isaga oo dhigay gees kasta iyo albaabka laga soo galo 🚪, wuxuuna shiday shumac fara badan 🕯️🕯️🕯️ si uu isaga difaaco waxa soo weeraray 👻.

📞😰 Markii ugu dambeysay ee saaxiibadii ay warkiisa maqlaan waxay ahayd 16-kii Abriil 📅, markaas oo uu u sheegay inuu aad u cabsanayo 😱, dareemayana in la dilayo ⚰️.

🚔🚪 Subaxnimadii Khamiista, 18-kii Abriil 🌅, ayaa boliisku 👮‍♂️ jabiyeen albaabka gurigiisa 🚪 ka dib markii laga war waayay ❓. Maydkiisa ⚰️ waxaa laga helay barkadda qubeyska 🚿 (biyo la’aan), 

isaga oo dharka qaba 👕, kuna jira qaab jilba-joog ah 🧎‍♂️, madaxiisuna uu darbiga ku tiirsan yahay 🧱. Ma jirin wax calaamad ah ❌ oo muujinaya in la dilay ama uu cid la dagaallamay ⚠️. Guriga gudihiisa 🏠 waxaa daadsanaa cusbo aad u badan 🧂 iyo calaamado diini ah ✝️.

🩺📄 Dhakhtarka baaray maydka (Coroner) ayaa caddeeyay in Christopher uu u dhintay xanuunka loo yaqaan Myocarditis ❤️‍🔥 (barar ku dhaca muruqa wadnaha), taas oo keentay wadne-istaag degdeg ah 💔⚡. 

Waa arrin layaab leh 😲 in nin dhallinyaro ah oo caafimaad qaba 💪 uu saadaaliyay dhimashadiisa 🔮, isla markaana uu u dhintay si waafaqsan waqtigii ⏳ ay haweeneydii habaartay 🧙‍♀️ u qabatay. Ilaa hadda ⏰, dhimashada Christopher Case waxay ku jirtaa diiwaanka dhacdooyinka dahsoon 👻📂 ee aan jawaabta loo hayn ❓❓.

Dhamaad 

Post a Comment

0 Comments