Ticker

6/recent/ticker-posts

👽🛸 Qisada Makhluuqii Shisheeye ee Ilkley Moor 😯🌫️

 👽🛸 Qisada Makhluuqii Shisheeye ee Ilkley Moor 😯🌫️

❄️🌄 Subax qabow oo ahayd bishii Diseembar 1-deedii, sannadkii 1987-kii, Philip Spencer🧔‍♂️👮‍♂️, oo ahaa askari boolis ah👨‍✈️🚓 balse xilligaas shaqada ka maqnaa (off-duty), ayaa u jarmaaday dhanka guriga aabaha xaaskisa waa soddogii👳‍♂️🏠 oo ku yaallay tuulo u dhow deegaanka Ilkley Moor🌾🌫️ ee West Yorkshire, dalka Ingiriiska🇬🇧🇬🇧.

🚶‍♂️🌁 Si uu u soo gaabiyo masaafada dheer ee socodka, Spencer🧔‍♂️📷 wuxuu go'aansaday inuu maro waddo dhex marta dhul waynaha bannaanka ah ee loo yaqaan "Moor-ka😲🌫️". Maadaama uu xiisaynayay sawir-qaadista📸✨, wuxuu watay kamarad📷 isagoo rajaynayay inuu sawirro ka qaado muuqaalka deegaanka🌄 ee subaxaas ceeryaantu haranaysay🫨🌫️. Wuxuu sidoo kale watay jiheeye jiho (compass🧭🧭) si uu wadada saxda ah u raaco maadaama ceeryaantu ay qarisay aragga👀 iyo ilayska cadceeda😱☀️.

😵‍💫 In kastoo uu watay jiheeye jiho compass🧭 haddana wuu lumay😇❓ sababtoo ah jiheeyaha ayaa si lama filaan ah shaqadii u joojiyay🤔⚠️, isagoo dul taagnaa jihada koonfureed⬇️ halkii uu jihada woqooyi⬆️ u jihayn lahaa😄. Isagoo dhex socda ceeryaanta🌫️🚶‍♂️, wuxuu si lama filaan ah u arkay makhluuq (sharpa👽) yar oo taagan meel sare⛰️ oo qiyaastii 50 mitir📏 meel u jirta.

😳 Markii hore wuxuu mooday ilmo yar🧝, oo dhar xidhan👕, balse markii uu indhaha la helay👀👁️, wuxuu ogaaday in aanu wuxuba bini-aadam ahayn👻👽.

👽😱 Makhluuqaasi wuxuu dhererkiisu ahaa qiyaastii 4 fiit📏. Wuxuu lahaa madax😳 aad u weyn🧠, indho waaweyn👀👀 oo madow⚫, iyo maqaar midabkiisu cagaar-cowl xigeen yahay👽🟢. Gacmihiisu way dheeraayeen🤲, balse lugihiisu waa ay gaabnaayeen🦵 oo waa ay dhuubnaayeen sida qof nafaqo-darro haysa😟.

✋👽 Makhluuqii wuxuu gacanta u taagay Spencer🧔‍♂️ sidii isagoo leh “Ha ii soo dhowaan”.

😱📸 Spencer🧔‍♂️ oo argagaxsan🫨 balse aan lumin fursadda⏱️, ayaa si degdeg ah u qaaday hal sawir📷✨. Makhluuqii👽 ayaa markiiba cararay🏃‍♂️💨, Spencer-na wuu ka daba orday🏃‍♂️ isagoo doonaya inuu ogaado waxa uu yahay🤔.

🛸😯 Markii uu gaaray meeshii sare⛰️ ee uu makhluuqu taagnaa, halkii uu ka arki lahaa makhluuqii👽, wuxuu arkay shey weyn oo u qaabaysan saxan🛸 iyo qubbad🕳️, kaas oo si xawli ah🚀 cirka isugu shareeray🌌, isagoo ka dhex baxay daruuraha☁️😯. Wuu ka gaari waayay inuu sawir📸 ka qaado dayax-gacmeed u ekahaas duulaya🤗.

⏰😮 Markii dambe, Spencer🧔‍♂️ wuxuu gaaray tuuladii🏘️ uu u socday, balse wuxuu ogaaday arrin aad u la yaab leh😮🤔. Saacaddu🧭⏰ waxay ahayd 10-kii subaxnimo☀️ iyo daqiiqado. Socodkiisu🚶‍♂️ wuxuu qaadan lahaa hal saac oo keliya⏱️, balse waxaa ka lumay laba saacadood⏳⏳ oo uusan garanayn meel ay mareen iyo waxa dhacay😱.

🧲😨 Sidoo kale, jiheeyihiisii jiho (compass🧭) wuxuu noqday mid khaldan oo dhanka kale tilmaamaya, taasoo muujinaysa inuu la kulmay awood birlab (magnetic force) oo aad u xooggan😱⚡.

👨‍🔬🛸 Spencer🧔‍♂️ wuxuu la xiriiray baarayaasha arrimaha UFO-da🗣️👽. Sawirkii📸 waa la dhaqay 24 saac gudahood⏳, waxaana baaray khubaro🤔🧪 oo ay ku jiraan Kodak📷 iyo saynisyahanno Maraykan ah😱🇺🇸. Waxaa la xaqiijiyay in sawirku yahay mid asal ah✅, inkastoo uu yaraa👀 oo mugdi ahaa🌑.

😰🧠 Maadaama uu ka welwelsanaa waqtiga ka lumay⏳ iyo riyooyin la yaab leh💭, wuxuu maray habka Hypnosis🌀 bishii Maarso 1988📅. Halkaas ayuu ku xasuustay afduub👽😱, qol wareegsan💡, makhluuqyo👽👽👽, iyo digniino ku saabsan burburka dunida🌍🔥.

🤯😮‍💨 Ilaa maanta, qisada Philip Spencer🧔‍♂️ iyo sawirka📸 waa mid ka mid ah dhacdooyinka ugu caansan uguna muranka badan👽🛸. Qaar way rumaysan yihiin🤝, qaarna way shakiyaan❓😱.

👽🛸🌌✨ Dhammaad ✨🌌👽🛸



Post a Comment

0 Comments