😲 Qisada ilayskii qarsoodiga ahaa ee Lighthouse-ka Flannan Isle 😲
🤔 waa mid ka mid ah dhacdooyinka ugu yaabka badan 🤔 ee abid ka dhacay badda dhexdeeda 🚢. 😇 Waa qiso dhab ah oo ilaa hadda aan jawaabteeda la helin 😇.
👀 Waxa aynu isku dayaynaa in aynu qodob qodob isku dul taagno wixii dhacay!
🤔 1. Maxaa dhacay? 🤔
🕑 Bishii Diseembar ee sannadkii 1900, 🧍♂️🧍♂️🧍♂️ saddex nin oo ilaalo ka ahaa minaaradda iftiinka (Lighthouse) ee jasiiradda yar ee Eilean Mòr 📍 oo ku taal dalka Scotland ayaa la waayay ❌ iyada oo aan raad iyo raq toona laga helin.
👨💼🧑💼 Raggaas waxay kala ahaayeen James Ducat, Thomas Marshall, iyo Donald MacArthur.
😳 2. Sidee lagu ogaaday maqnaantooda! 😳
🚢 Markab marayay agagaarka jasiiradda ayaa dareemay in iftiinkii minaaradda uu dansan yahay ❌, taas oo ahayd wax aan caadi ahayn.
👀 Markii koox samatabbixis ah ay tageen jasiiradda 26-kii Diseembar, waxay la kulmeen waxyaabo yaab leh 😮:
🏛 Albaabka weyn ee minnaaradda: Wuu xirnaa ❌.
🍽 Miiska waxaa saarnaa cunto diyaarsan oo aan la cunin ❌.
🧭 Saacaddii minaaradda way istaagtay ❌ oo ma aysan shaqaynayn.
🧥 Dharka: Labo ka mid ah jaakadaha roobka ayaa maqnaa ❌, laakiin mid ka mid ah ayaa weli sudhnayd darbiga 😮.
🤔 3. Maxay ahaayeen wararkii ugu dambeeyay ee laga helay raggii la waayay? 🤔
📖 Buugga xusuus-qorka ee minaaradda waxaa ku qornaa qoraallo muujinaya in jasiiradda ay ku dhufteen duufaanno aad u xoog badan 🌊 maalmihii ka horreeyay waayitaankooda.
😢 Mid ka mid ah raggii ayaa qoray inuu u murugooday, mid kalena 🙏 wuxuu isku taagay salaad iyo alle bari isaga oo ooyaya.
😲🤔 4. Maxaa lagu qiyaasay dhab ahaan inay dhaceen? 😲🤔
❌ Maaddaama meydadkooda marnaba aan la helin, waxaa jira aragtiyo kala duwan 🗣 oo ay dadku qabaan kuwaas oo kale ah;
🌊🥶 1. Mowjad iyo dabayl xooggan
🙄 2. Dagaal
👻 3. Khuraafaad
👀 Guntii iyo gabagabadii 👀
📑 Baaritaankii rasmiga ahaa waxa uu muujiyay in malaha ay qaadeen mowjado iyo dabaylo xooggan 🌊, balse ❓ su’aalo badan ayaa weli taagan, taas oo ka dhigaysa qisadan mid qarsoodi ah ilaa maanta 😱.
Dhamaad








1 Comments
Waa qiso yaab leh runtii
ReplyDelete