Ticker

6/recent/ticker-posts

😲 Qisada ilayskii qarsoodiga ahaa ee Lighthouse-ka Flannan Isle 😲

 😲 Qisada ilayskii qarsoodiga ahaa ee Lighthouse-ka Flannan Isle 😲

🤔 waa mid ka mid ah dhacdooyinka ugu yaabka badan 🤔 ee abid ka dhacay badda dhexdeeda 🚢. 😇 Waa qiso dhab ah oo ilaa hadda aan jawaabteeda la helin 😇.

👀 Waxa aynu isku dayaynaa in aynu qodob qodob isku dul taagno wixii dhacay!

🤔 1. Maxaa dhacay? 🤔

🕑 Bishii Diseembar ee sannadkii 1900, 🧍‍♂️🧍‍♂️🧍‍♂️ saddex nin oo ilaalo ka ahaa minaaradda iftiinka (Lighthouse) ee jasiiradda yar ee Eilean Mòr 📍 oo ku taal dalka Scotland ayaa la waayay ❌ iyada oo aan raad iyo raq toona laga helin.

👨‍💼🧑‍💼 Raggaas waxay kala ahaayeen James Ducat, Thomas Marshall, iyo Donald MacArthur.

😳 2. Sidee lagu ogaaday maqnaantooda! 😳

🚢 Markab marayay agagaarka jasiiradda ayaa dareemay in iftiinkii minaaradda uu dansan yahay ❌, taas oo ahayd wax aan caadi ahayn.

👀 Markii koox samatabbixis ah ay tageen jasiiradda 26-kii Diseembar, waxay la kulmeen waxyaabo yaab leh 😮:

🏛 Albaabka weyn ee minnaaradda: Wuu xirnaa ❌.

🍽 Miiska waxaa saarnaa cunto diyaarsan oo aan la cunin ❌.

🧭 Saacaddii minaaradda way istaagtay ❌ oo ma aysan shaqaynayn.

🧥 Dharka: Labo ka mid ah jaakadaha roobka ayaa maqnaa ❌, laakiin mid ka mid ah ayaa weli sudhnayd darbiga 😮.

🤔 3. Maxay ahaayeen wararkii ugu dambeeyay ee laga helay raggii la waayay? 🤔

📖 Buugga xusuus-qorka ee minaaradda waxaa ku qornaa qoraallo muujinaya in jasiiradda ay ku dhufteen duufaanno aad u xoog badan 🌊 maalmihii ka horreeyay waayitaankooda.

😢 Mid ka mid ah raggii ayaa qoray inuu u murugooday, mid kalena 🙏 wuxuu isku taagay salaad iyo alle bari isaga oo ooyaya.

😲🤔 4. Maxaa lagu qiyaasay dhab ahaan inay dhaceen? 😲🤔

❌ Maaddaama meydadkooda marnaba aan la helin, waxaa jira aragtiyo kala duwan 🗣 oo ay dadku qabaan kuwaas oo kale ah;

🌊🥶 1. Mowjad iyo dabayl xooggan

🙄 2. Dagaal

👻 3. Khuraafaad

👀 Guntii iyo gabagabadii 👀

📑 Baaritaankii rasmiga ahaa waxa uu muujiyay in malaha ay qaadeen mowjado iyo dabaylo xooggan 🌊, balse ❓ su’aalo badan ayaa weli taagan, taas oo ka dhigaysa qisadan mid qarsoodi ah ilaa maanta 😱.

Dhamaad 

Post a Comment

1 Comments