Qisadan waa mid ka mid ah dhacdooyinka ugu cajiibsan ee Taariikhda Islaamka, taas oo ku tusinaysa in Hidaayada Alle ay timaado ilbiriqsi gudaheed.
Saxaabigan magaciisa waa Camar Binu Saabit oo loo yaqannay Al-Usayrim.
Si aan si fiican ugu fahanno miisaanka saxaabigan, bal dib aan u xasuusano qisadii aan horay uga hadlay ee Sacad Binu Mucaad (RC), ninkii geeridiisa uu la ruxmay Carshiga Raxmaanku..
Markii uu Sacad qaatay Diinta, reerkiisa oo dhan (Banii Cabdil Ash hal) hal mar ayay wada muslimeen, marka laga reebo hal nin oo kaliya oo isagu dib uga dhacay qaadashada Diinta .. Ninkaasina wuxuu ahaa saxaabiga qisadeena maanta ee Al-Usayrim..
Mudo ayuu ka cudur daaranayay Islaamka, laakiin Maalintii Dagaalka Uxud, markii ciidanka Muslimiintu baxeen, ayaa qalbigiisa waxaa si lama filaan ah u haleelay Nuurka Iimaanka..
Ma uusan sugin, degdeg ayuu u soo qaatay seeftiisa, wuxuuna ka daba tagay ciidanka isagoo raba inuu Rasuulka (SCW) garab istaago oo uu difaaco. Si geesinimo leh ayuu u galay dagaalka ilaa uu dhulka ku dhacay isagoo dhaawacyo culus qaba..
Markii dagaalku qaboobay, Asxaabta oo maydadka dhex maraya ayaa arkay nin dhiig baxaya.. Waa kuma? Waa Al-Usayrim
Way naxeen, sababtoo ah waxay ku ogaayeen inuu diinta diiddanaa,
waxayna weydiiyeen: "War Usayrim, maxaa halkan ku keenay? Ma xamaasad qabiil iyo tolnimo mise Islaam jaceyl?"
Wuxuu ku jawaabay:
Mayee, waa Islaam jaceyl. Alle iyo Rasuulkiisa ayaan rumeeyay, seeftana waan qaatay, waana dagaallamay ilaa aan ka gaaray heerkan aad aragtaan..
Daqiiqado kadibna wuu geeriyooday, markii warkiisii loo geeyayna, Rasuulku (SCW) wuxuu yiri: Isagu waa Ehlu Janno..
Sidaas ayuuna Al-Usayrim ku noqday Saxaabiga kaliya ee Jannada galay isagoon weligiis hal Salaad tukan, sababtoo ah markii uu soo Muslimayba wuxuu galay Jihaadka, waqti Salaad la tukado ayaanan soo gelin ilaa uu ka shahiiday.. Allahu Akbar..☝️❤️
Qisada Al-Usayrim waxay inoo reebaysaa farriin culus oo ah in albaabka Towbaddu uusan weligiis xirmin. Cimrigiisa oo dhan wuxuu ku soo qaatay gaalnimo, balse Nus maalin oo daacadnimo ah ayaa ka dhigtay Saxaabi Shahiid ah oo Jannada ku waaray..
Allow Khaatumada noo hagaaji.. Aamiin 🤲
Ugu dambayntii Walaalayaal, diyaarinta qisooyinkan dadaal badan ayaa ku baxa, balse idinkaa mudan.. Haddii aad ka heshay qaabka aan wax u wadno, fadlan ha naga iloobin Follow iyo Like-ta, si aan mar walba wax ka sii fiican idiin la wadaagno. Mahadsanidiin, .
0 Comments