Noloshan aynu ku dhex jirno ee mashquulka iyo buuqa badan, mararka qaar waxaynu hilmaamnaa in naxariista Islaamku aanay dadka kaliya ku koobnayn, balse ay tahay mid gaadhaysa noole kasta oo dhulka guudihiisa ku nool.
Waxaa la wariyaa xadiis saxiix ah in Nabigeennii Suubbanaa (SCW) uu maalin galay beer uu lahaa nin reer Ansaar ah, waxaana beerta dhexdeeda ku jiray Rati Awr ah Markuu Ratigii arkay Rasuulka (SCW), wuu u soo hiloobay, waxaana indhihiisa ka soo daadatay ilmo, sidii inuu helay qof dareemaya xanuunkiisa kadib waqti dheer oo uu aamusnaa.
Nabiga ﷺ ayaa u soo dhawaaday, wuxuuna u masaxay madaxa ilaa uu ratigii ka aamusay oo uu degay. Kadibna Nabigu (SCW) isagoo codkiisa ay ka muuqato caddaalad, ayuu weydiiyay: "Yaa iska leh Ratigan?"
Kadibna Waxaa soo istaagay wiil dhalinyaro ah oo yiri: "Waa aniga Rasuulkii Allow."
Markaasuu Nabigu (SCW) ku yiri erayo xikmad leh, oo cashar lama ilaawaan ah u noqday aadanaha oo dhan: Miyaadan Alle uga baqayn xayawaankan uu Alle kuu dhiibay? Wuxuu iiga sheegtay inaad gaajaysiiso oo aad shaqo ku rafaadiso..
Qisadani ma ahayn kaliya mucjiso hadal ah, mana ahayn khudbad dheer, balse waxay ahayd dhacdo na baraysa nuxurka Islaamka iyo in naxariistu aysan u baahnayn luuqad lagu hadlo. Xayawaankaas liita xaq buu leeyahay, xitaa hadduusan bini'aadamka la hadli karin.
Qisadaan waxaynu ka baranaynaa in iimaanku uusan ahayn salaad la tukado oo kaliya, balse uu yahay dhaqan maalmeed ku bilowda sida aynu ula dhaqanno noolaha aan dhibkooda sheegan karin..
Ratigu kama uusan caban gaajo kaliya, balse wuxuu ka cawday naxariis darrada iyo dayacaadda.
Halkan waxaa inooga muuqda weynida Nabiga (SCW); ma ahayn mid u naxariista dadka oo kaliya, balse wuxuu ahaa mid u damqada noole kasta oo daciif ah, xitaa hadduu yahay xayawaan.
Sidaa darteed, maanta innagoo akhrinayna qisadan, aynu ogaanno in naxariistu tahay waajib diini ah. Gacantii wax wanaajisa iyo qalbigii naxariis lehba, waa sii socoshada wadadii Nabiga (SCW).
Ugu dambayntii aynu ku wada sallino ciddii bini'aadamka bartay macnaha naxariista ﷺ.. 🤍
0 Comments