# QISADII MICHAEL TAYLOR: "SHAYDAANKA AYAA IGU DIRAY" 😱
Horraantii toddobaatameeyadii, nin lagu magacaabo Michael Taylor ayaa geystay mid ka mid ah dilalkii ugu naxdinta iyo foosha xumaa ee soo mara taariikhda waddanka Ingiriiska. Markii ninkan la xiray wax yar kadib falkaas, lana weydiiyay sababta uu u sameeyay ficilkan arxan darrada ah, wuxuu ku jawaabay hal weedh oo qura: **"Shaydaanka ayaa igu dira oo igu qasbay."** 👹
Taariikhda aadanaha, cabsida laga qabo in jini ama shaydaan uu qofka galo waa mid soo jireen ah. Diimaha iyo dhaqamada kala duwan sida Islaamka, Yuhuudda, Kiristanka iyo Hinduuga ayaa dhammaantood ka warramay sheekooyin ku saabsan ruuxaan shar ah oo dadka la wareegta, kuna qasbata inay sameeyaan falal xunxun. Qisadan Michael Taylor waa mid ka mid ah kuwa ugu caansan casrigan ee arrimahaas la xiriira. 📜
Michael Taylor wuxuu ahaa 31 jir deggenaa magaalada yar ee Ossett ee dalka Ingiriiska. Deriskiisa iyo dadkii yaqaannay waxay ku tilmaameen **nin deggan, naxariis badan, ahna aabbe jecel shantiisa carruur ah.** 👨👩👧👦
Wuxuu ka shaqaynayay hiliblennimo (kawaanle), noloshiisuna waxay ahayd mid iska caadi ah oo farxad leh. Laakiin arrimuhu waxay is-beddeleen bishii Abriil ee sannadkii 1974-tii, markaas oo Michael uu dhaawac ka soo gaaray dhabarka. Dhaawacaas inkastoo uu yaraa, haddana wuxuu sababay inuu shaqadiisii waayo, taasoo u horseedday niyad-jab iyo diiqad aad u daran. 😔
Michael wuxuu noqday nin is-bedbeddela, mararna xanaaq badan, taasoo werwer ku abuurtay xaaskiisa Christine. Si loo caawiyo, haweeney deris la ahayd oo la oran jiray Barbara ayaa kula talisay inuu ku biiro koox diimeed oo deegaanka ahayd si uu uga helo daggonaansho xagga ruuxa ah. ✨
Michael wuxuu halkaas kula kulmay **Marie Robinson**, gabar dhallinyaro ah oo hoggaaminaysay kooxdaas. Michael si degdeg ah ayuu u aamminsaday kooxdan, wuxuuna xiriir dhow la yeeshay Marie, isagoo u arkayay inay tahay qof awood u leh inay la hadasho Ilaahay. 🙏
Waqti badan oo uu Michael la qaatay Marie iyo kooxdaas ayaa waxay keentay in xaaskiisa Christine ay ka shakido, iyadoo u maleysay in xiriir hoose uu ka dhexeeyo ninkeeda iyo gabadhaas.
1-dii bishii Oktoobar 1974, Christine ayaa ninkeeda ku eedeysay inuu xiriir la leeyahay Marie. Michael si lama filaan ah ayuu u xanaaqay, wuxuuna weerar gacan ka hadal ah ku qaaday Marie oo goobta joogtay, isagoo ku hadlayay erayo aan la fahmi karin iyo luuqado qalaad. Dabeecaddan cusub waxay dadkii meesha joogay u qaateen in Michael uu jini galay. 👀
Xaaladda Michael oo sii xumaatay awgeed, wadaaddadii kaniisadda ayaa go'aansaday in loo baahan yahay **"Exorcism"** ama in laga saaro jiniga lagu tuhmayo.
Habeenimadii Sabtida ee 5-tii Oktoobar 1974, laba wadaad oo lagu kala magacaabo Peter Vincent iyo Raymond Smith ayaa bilaabay dhaqan-diimeedka saarista jiniga. Hawshani waxay socotay habeenkii oo dhan. Wadaaddadu waxay sheegeen inay Michael ka saareen in ka badan **40 jini** oo isugu jiray kuwa sinada, cayda, iyo xumaanta. 🌌
Hase yeeshee, markii waagu beryay, waxay sheegeen inay ku hareen **saddex jini oo aad u awood badan** oo kala ahaa: **Waali, Dil, iyo Rabshad.** Michael oo aad u daallan ayaa loo ogolaaday inuu gurigiisa aado si uu u nasto, iyadoo aan laga saarin saddexdaas shay ee ugu dambeeyay.
Subaxnimadii Axadda ee 6-dii Oktoobar 1974, magaalada yar ee Ossett waxaa ka dhacay dhacdo argagax leh. Booliska ayaa helay warbixin ku saabsan **nin qaawan oo dhiig ilaa iyo waddooyinka ordaya**. Ninkaasi wuxuu ahaa Michael Taylor. 😨
Markii boolisku ay galeen guriga Michael, waxay la kulmeen muuqaal aan la qiyaasi karin fooshiisa. Xaaskiisii Christine ayaa meydkeeda laga helay qolka fadhiga, iyadoo si arxan darro ah loo dilay. Indhaha ayaa laga bixiyay, carrabkana waa laga gooyay, wejigeedana aad ayaa loo jajabiyay. Sidoo kale, eygii reerka ayaa isna si la mid ah loo dilay oo xubnihiisa la googooyay. Michael markii la qabtay wuxuu ahaa mid dawakhsan, wuxuuna sheegay inuusan garanayn halka uu dhiigga jidhkiisa ku yaalla ka yimid, balse uu dareemayo inuu **"bixiyay ama dilay sharkii."** 🩸
Bishii Feberaayo 1975, maxkamadayntii Michael Taylor ayaa bilaabatay. Xeer-ilaalintu waxay ku eedeysay dil u qas ah, balse qareennada difaaca ayaa ku dooday in Michael uu waalnaa xilliga uu falka geysanayay, uuna ku jiray xaalad maskaxeed oo ka dhalatay cadaadiskii kooxda diimeed iyo habeenkii dheeraa ee jinni-saarista. ⚖️
Markhaatiyaashii maxkamadda, oo ay ku jiraan wadaaddadii, ayaa ka sheekeeyay sidii uu Michael u dhaqmayay habeenkaas, iyagoo sheegay inuu u muuqday qof awood ka baxsan aadanaha ay ku jirto.
Ugu dambeyntii, xeer-beegtidu waxay go'aamiyeen in Michael Taylor **uusan dambiile ahayn sababo la xiriira waalli (Not guilty by reason of insanity).** Waxaana loo diray isbitaalka dhimirka ee Broadmoor si loogu daaweeyo. 🏥
Michael Taylor wuxuu isbitaalka ku jiray muddo afar sano ah, waxaana la sii daayay sannadkii 1979-kii kadib markii dhakhaatiirtu xaqiijiyeen inuu caafimaaday. Inkastoo uu xorriyaddiisii helay, haddana weligii dib uma helin noloshiisii hore iyo qoyskiisii. Sannadihii xigay wuxuu dhowr jeer isku dayay inuu is-dilo. Sannadkii 2005, isagoo da' ah, ayaa haddana mar kale la xiray kadib markii lagu eedeeyay dhibaateyn dhanka galmada ah oo uu u geystay gabar yar, taasoo keentay in mar kale la dhigo isbitaalka dhimirka. 💔
Qisada Michael Taylor waxay weli tahay mid ay ku wareersan yihiin dadka cilmi-nafsiga iyo kuwa diimaha barta. **Ma wuxuu ahaa nin xanuun dhimir oo daran qabay oo ay sii kiciyeen koox diimeed xagjir ah? Mise, sida uu isaguba sheegay, waxaa jiray awoodo shar ah oo la wareegay maankiisa?** Waa su'aal jawaabteedu ay la aasmi doonto taariikhda madow ee dhacdadan. 🕯️
#HAADKADUULA #QisoDhabAh #MichaelTaylor #Taariikh #DhacdoNaxdinLeh #AfSoomaali
0 Comments