Ticker

6/recent/ticker-posts

🌙 Qisadii: Rooxaantio Gabadha 👻🌙

🌙 Qisadii: Rooxaantio Gabadha 👻🌙

Habeen roob badan da’ayay 🌧️🌧️, nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Liibaan ayaa u baxay safar dheer 🚗. Wuxuu marayay wado cidlo ah oo dhex marta kaymo 🌲🌲 iyo buuro ⛰️. Isagoo gaariga si tartiib ah u wada, wuxuu arkay gabar dhalinyaro ah oo taagan wadada dhinaceeda, iyadoo xiran dhar cad oo khafiif ah 🤍, roobkuna uu qooyay, dhaxan daranina dhacaysay ❄️.

Liibaan, isagoo u naxaya gabadha, ayuu gaariga u joojiyay 🚘✋. Gabadhii waxay weydiisatay inuu geeyo gurigeeda oo dhowr kiilo mitir u jiray. Intii ay wadada ku jireen, gabadhu aad bay u aamusanayd 🤐, waxayna u muuqatay mid aad u dhaxamootay. Liibaan wuxuu u dhiibay jaakad kuwa roobka ah uu lahaa 🧥 si ay isaga diiriso dhaxanta.

Markii ay gaareen gurigii ay u tilmaantay 🏠, Liibaan ayaa gaariga joojiyay. Gabadhii waxay ku tiri, "Mahadsanid walaal," 🤍 waxayna ka degtay gaariga iyadoo weli xiran jaakaddii Liibaan, waxayna gashay albaabka hore ee guriga 🚪. Markaa Liibaan wuxuu is yiri "Berri ayaad jaakadda ka soo doonataa maadaama ay hadda tahay goor dambe 🌌 Gabadhuna ay dhaxamaysan tahaye isaga daa."

Maalintii xigtay ☀️, Liibaan wuxuu ku soo laabtay gurigii, isagoo jaakaddiisii doonaya. Waxaa ka furay nin oday ah 👴. Liibaan ayaa ku yiri: "Xalay waxaan halkan keenay gabar dhalinyaro ah, waxaana u dhiibay jaakad aan anigu lahaa, ee ma joogtaa, fadlan iigu yeer?."

Odaygii ayaa wejigiisu is beddeley 😔, murugana laga dareemay, waxaa indhihiisa ku soo istaagtay ilmo 😢, markaas ayuu wuxuu yiri: "Wiilkaygiiyoow, gabadha aad sheegayso waa gabadhaydii, laakiin waxay dhimatay toban sano ka hor ☠️ habeen roob sidan oo kale u da'ayay, iyadoo shil gaari ku gashay wadadaas aad ka soo qaaday makhluuqa aad sheegayso."

Liibaan wuu rumeysan waayay sheekada argagagaxa leh ee odaygu sheegayo 😨. Odaygii ayaa wuxuu geeyay qabriga gabadha oo ku dhowaa gurigiisa 🪦 si uu uga shali saaro. Markii ay gaareen qabriga, Liibaan wuxuu la dhacay naxdin iyo amakaag 😱😱: Jaakaddiisii oo qalalan ayaa dul taallay dhagaxa qabriga dushiisa 😳 — wax lala yaabo maaha!

_____Dhammaad____ 🌑

#HAADKADUULA #QisoCabsi #RooxaantioGabadha #QisoMurugo #SheekoCabsi #QisooyinSomali #SomaliBlogger #HorrorStory #AfricanStories #TrueStoryVibes 

Post a Comment

0 Comments