Ticker

6/recent/ticker-posts

😯Qiso yaab leh😱😱

 Qiso yaab leh😱😱

Dhacdo 𝗠𝘂𝘀𝗶𝗶𝗯𝗼 Bani’aadamnimo ah oo Gil-gishay caalamka iyo Magaalada Tanta ee dalka Masar ama Egypt: Guri Xirnaa muddo dheer ayaa la ogaaday in qofkii deganaa geeriyooday 3 Sano Kahor😱😭

Magaaladaas waxaa ka dhacday dhacdo murugo leh oo gil-gishay dareenka bulshada iyo gabi ahaanba dunida, kadib markii laga helay meydka nin kiraale ahaa gudaha gurigaas, iyadoo la xaqiijiyay in uu geeriyooda sanadkii 2022-kii, islamarkaana uu guriga ku jiray ku dhowaad saddex sano iyo bar, iyadoo aan cidina ka warqabin geeridiisa.😳😲

1. 𝗙𝗮𝗮𝗵𝗳𝗮𝗮𝗵𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗰𝗱𝗮𝗱𝗮:😱🤔

Guriga dhacdadu ka dhacday wuxuu ka kooban yahay sida la sheegay shan qol iyo qolka fadhiga, wuxuuna ku yaallaa mid ka mid ah xaafadaha magaalada Tanta. Kiradiisu waxay ahayd gurigaas 12 ginni, Kadib markii kiraaluhu joojiyay bixinta kirada sanadkii 2022-kii, mulkiilaha gurigu waxay dacwad xaquuqeed u gudbisay maxkamad si ay u hesho xuquuqdeeda sharciga ah ee kaga maqan kiraalaha gurigeeda deggan✋️💁.

Markii kal-fadhi maxkamadeed⚖️🔨 la hor geeyey kiiska eedaysanaha🧔‍♂️ iyo muddiciga mulkiilaha👩‍🦳 guriga🏠 sanadkii 2025, ayaa qareenkii🧑‍✈️ ninka kiraalaha ahaa ka codsaday maxkamadda⚖️🔨 in wakhti la siiyo lana soo baaro horta bal gurigii🤔🔎, mulkiilihii guriga👩‍🦳 iyo dambibaareyaal🕵😲 lagu soo daray markii ay tageen guriga ee la furay lana eegay🤔👀, waxay kala kulmeen aragti tii ugu fooshaxumayd😭😭, amakaag iyo argagax lama filaan ah ayaa ku dhacay😱, gudaha guriga waxaa yaallay meydka kiraalihii🧔‍♂️ oo si xun u qudhmay😭😭, taasoo caddeysay in uu muddo dheer ka hor geeriyooday😭 iyadoo aan cidna ogayn geeridiisa!😳😭

2. 𝗠𝘂𝗿𝘂𝗴𝗼 𝗶𝘆𝗼 mushkilad 𝗸𝗮 𝘀𝗶𝗶 𝗱𝗮𝗿𝗮𝗻😲😱:

Arrintu intaas kuma ekaan😱🤔. Mulkiilaha gurigu waxa ay sheegtay in ehelkii marxuumku ay diideen in ay qaataan meydkooda, sidoo kalena ay ka gaabsadeen in ay guriga ka qaadaan alaabtii iyo hantidii uu lahaa marxuumku, taasoo ka dhigtay arrintii xaalad sharci iyo mid bani’aadamnimo oo aad u adag dadkiina ka yaabisay😎😳.

3. 𝗦𝘂’𝗮𝗮𝗹𝗼 𝗶𝘆𝗼 𝗰𝗮𝗿𝗼 𝗯𝘂𝗹𝘀𝗵𝗼🤔😱:

Dhacdadaani waxa ay dhalisay caro🤨🤬 iyo su’aalo badan oo bulshada dhexdeeda si wayn ugu faafay😱👊: sidee ayay suurtagal u tahay in qof uu sannado ku maqnaado isaga oo aan cidna u damqan, cidna dareemin maqnaantiisa ama tabinba? loona diidaa xitaa in si sharaf leh loo aaso maydka marxuumka markii la ogaaday in uu geeriyooday?

Waa dhacdo dib u soo iftiimisay qalafsanaanta nolosha iyo yaraanta barbaarinta ubadka iyo tarbiyaddayntooda xiriirka bani’aadamnimo , marka aaminka dadka iyo gaabiska nidaamku is biirsadaan, gurina uu noqdo markhaati aamusan oo musiibo bini’aadamnimo ah.

____Dhammaad____

Post a Comment

0 Comments