🕯️ QISADA LUCAS VERA: ARGAGAXII LOOXA SHEYDAANKA
Lucas Vera waa wiil dhalinyaro ah oo ku nool gobolka Hidalgo ee dalka Mexico. Hadda waa 23 jir shaqeysta oo nolol caadi ah ku nool magaalada Pachuca, balse wuxuu xambaarsan yahay sir culus oo soo jirtay muddo toban sano ah, sirtaas oo ilaa maanta ku haysa isaga cabsi iyo qarow joogto ah 👁️. Dhacdadani waxa ay bilaabatay xagaagii sanadkii 2007-dii markaas oo Lucas uu ahaa wiil aad u yar oo 13 jir ah.
Waqtigaas, Lucas iyo qoyskiisu waxa ay ku noolaayeen beer weyn oo ku taalla duleedka magaalada 🌾. Qoysku ma ahayn qoys ladan, balse waxa ay haysteen dhul ay tacbadaan (Wax ku beertaan) iyo xoogaa xoolo nool ah. Lucas waxa uu ahaa wiil wanaagsan, waxbarashada ku fiican, qoyskiisana caawiya, balse hal habeen oo bishii May ee sanadkaas ka mid ah ayaa noloshiisu is beddeshay.
Waalidiinta Lucas waxa ay ahaayeen dad diinta aad u aaminsan 🙏 (Diintooda), habeen habeenada kamid ah ayay guriga yimaadeen iyaga oo arkay Lucas iyo saddex saaxiibadiis ah oo ku ciyaaraya "Looxa Rooxaanta" (Ouija Board) qolka fadhiga. Waalidkii oo arrintaas u arkay dembi weyn iyo wax shar ah ayaa carruurtii kale eryay, isagiina ku qayliyey, looxiina dab qabadsiiyay oo gubay 🔥, Lucas-na waxay saareen xabsi guri muddo labo toddobaad ah. Lucas ma uusan fahansanayn sababta waalidkii u argagaxeen, wuxuuna u arkayay uun ciyaar carruureed.
Bishii Juun ee isla sanadkaas, Lucas oo nadiifinaya bakhaar duug ah oo beerta ku yaal ayuu meel qalabka beeraha la dhigo ka helay Loox kale oo ah nooca Rooxaanta (Ouija Board). Waxa la yaab ahayd in looxani u ekaa kii waalidkii gubeen balse uu aad u duugoobay. Lucas isaga oo ka baqaya in waalidkii arkaan ayuu si dhuumaalaysi ah ugu qaatay qolkiisa oo ku qariyay sariirtiisa hoosteeda wixii ku qornaa xooxaas Rooxaanta.
Wixii intaas ka dambeeyay, arrimo aan la sharixi karin ayaa bilaabmay in ay dhacaan 🕯️. Lucas waxa uu bilaabay in uu la kulmo qarow joogto ah; waxa uu ku riyoon jiray wax madow oo dul taagan kaas oo neefta ku dhejinaya inta cunaha qabto. Alaabta guriga ayaa iskeed u dhaqaaqi jirtay ama lumi jirtay. Lucas dabeecaddiisii waa ay is beddeshay, waxa uuna noqday wiil xanaaq badan oo waalidkii la murma, kuna soo af celiya.
Taariikhdu markii ay ahayd 22-kii Juun, xaaladdu waa ay kasii dartay. Lucas oo qolkiisa jooga ayaa sariirtiisa hoosteeda ka helay looxii uu moodayay inuu horey u tuuray. Waxa uu u qaatay in waalidkii ay ku ciyaarayaan oo ay halkaas soo dhigeen mar kale, balse markii uu ku qayliyay waa ay u dhaarteen in aysan waxba kala socon waalidku Looxaas. Habeen nimadii xigtay, Lucas waxa uu maqli jiray codad, shanqar iyo u yeeris ka imaanaysa gidaarada qolkiisa, waxa uuna subax kasta soo toosi jiray isaga oo jidhkiisu xagxagasho iyo nabaro yaryar leeyahag 🩸. Marar badan wuxuu habeenkii arki jiray wax madow oo geeska qolka taagan oo soo eegaya.
Bartamihii bishii Luulyo, dhacdooyin argagax leh oo heer kale ah ayaa dhacayay 🌑. Lucas ayaa hal mar ka soo toosay kayn duur ah oo gurigooda u jirta 1KM, isaga oo aad u garaacan(Jir dilan), mana uusan garanayn siday wax u dhaceen. Balse dhacdadii ugu naxdinta badnayd waxa ay ahayd markii uu habeen kale ku soo baraarugay isaga oo fadhiya, gacantana ku haysta mindi dhiig leh, waxaana lugihiisa dhexdooda ku jiray waxar (orgi yar) oo la gawracay oo la jarjaray 🐐.
Argagax dartiis, Lucas markaas waa uu cararay, waxa uuna ordayay masaafo aad u dheer ilaa uu miyir beelay. Laba maalmood kadib ayaa laga helay meel 25 mayl u jirta gurigooda, isaga oo fuuq-baxay oo xaalad xun ku sugan. Isbitaalka ayaa la dhigay, dhakhaatiirtuna wax xal ah waa ay u waayeen xaaladdiisa dhimirka iyo jidhka ah.
Ugu dambayn, waalidkii waxa ay u yeereen Baadari (Wadaad Kiristaan ah) ⛪ si uu wiilka uga saaro jinka iyo sharta haleeshay. Bishii September ayaa guriga loogu sameeyay "saar" ama duco lagu saarayo jinka. Lucas sariirta ayaa lagu xirxiray. Waxa uu xasuustaa oo kaliya inuu maqlay shanqar culus oo ka timid sariirta hoosteeda iyo shay madow oo aan lugo lahayn oo gurguuranaya oo qolka ka baxaya marna soo galaya.
Markii uu bogsaday, wadaadkii waxa uu lucas siiyay gabal alwaax ah oo ay ku qoran tahay "Ilaali" (Protect) 🪵. Lucas ilaa maanta waa uu haystaa gabalkaas. Wuxuu sheegay in inkastoo uu hadda yahay nin weyn, haddana haddii uu seexdo isaga oo aan alwaaxaas haysan ama u dhawayn ama jembigiisa ku jirin, inuu wali riyadii hore ku arko wejigii madowga ahaa oo neefta ku dhejinaya inta cuna iska laalaadiyo 😨.
#HAADKADUULA #SheekoXariir #QisoNaxdinLeh #QisadaLucas #Qarow #SheekooyinNaxdin #BloggerSomali #SheekoDhabAh #Qisooyin
0 Comments