🕯️ QISADA LAYAABKA LEH EE DUULIMAADKA FLIGHT 19
Bishii Diseembar ee sanadkii 1945-kii, shan diyaaradood oo ah nooca dagaalka ee qumbuladaha Bomka xambaara (Torpedo Bombers) ayaa si aan raad lahayn ugu lumay hawada sare ee jasiiradaha Bahamas 🌊✈️. Dhacdadaan ayaa noqotay middii daah-furtay sheekada cabsida badan ee loo yaqaan "Saddex-xagalka Bermuda" (Bermuda Triangle), iyadoo in ka badan 70 sano kadib weli la is weydiinayo waxa sababay lumitaankaas dahsoon ee duulimaadkii Flight 19 ee shanta diyaaradood.
Maalintaas oo ahayd Arbaco, 5-tii Diseembar 1945, hawadu way wanaagsanayd ☀️ markii ay diyaaraduhu ka kacayeen saldhigga ciidamada badda ee Fort Lauderdale ee gobolka Florida. Ujeeddada duulimaadku waxa ay ahayd layli caadi ah oo ay fulinayeen koox duuliyayaal ah iyo arday tababar ku jirtay. Hoggaamiyaha kooxdaas waxaa ahaa Lieutenant Charles Taylor, oo ahaa duuliye ruug-caddaa ah oo khibrad sare u lahaa duulimaadyada dagaalka, isagoo soo qaatay in ka badan 2,000 oo saacadood oo duulimaad ah.
Duulimaadku wuxuu qaatay jihada bari si ay u fuliyaan layli duqeyn ah, qorshuhuna wuxuu ahaa ina ay u leexdaan waqooyi kadibna ay dib ugu soo laabtaan saldhigga. Bilowgii wax walba si habsami leh oo caadi ah ayay ku socdeen, balse abbaaro 3:40-kii galabnimo 🕒 ayay dhibaatadu bilaabatay.
Lieutenant Robert Cox oo isaguna hawada ku jiray duulimaad kale ayaa maqlay codad argagax leh oo ka imanayay raadiyaha 📻. Wuxuu maqlay qof leh: "Ma garanayno meel aan joogno. Dhulka ma arki karno." Markii Cox uu weydiiyay waxa dhacaya, codkii ayaa ugu jawaabay: "Labada jiheeye (Compass) waa ay naga xumaadeen. Waxaan isku dayayaa in aan helo Fort Lauderdale, laakiin dhulku wuu kala go’go’an yahay, ma hubno meesha aan joogno."
Hoggaamiye Taylor wuxuu galay jahawareer aad u weyn 😰. Wuxuu aaminsanaa in ay dul marayaan jasiiradaha Florida Keys ee koonfurta ku yaalla, sidaas darteed wuxuu amray in loo duulo dhanka waqooyi si ay u gaaraan dhibbaneyaasha lumay. Laakiin xaqiiqadu waxay ahayd in ay marayeen bariga jasiiradaha Bahamas. Amar kasta oo uu Taylor bixiyo oo ahaa in waqooyi loo duulo, wuxuu sii gelinayay badweynta furan ee Atlaantigga 🌊, iyagoo ka sii fogaanayay barriga.
Xaaladda cimilada ayaa si degdeg ah isugu beddeshay mid xun 🌫️, hirarka badda ayaa kacay, aragtiina waa ay sii xumaatay. Saldhigyada dhulka ayaa isku dayay in ay hagaan diyaaradaha, balse isgaarsiinta ayaa go’go’aysay. Taylor oo weli aaminsan inuu ku jiro Gacanka Mexico ayaa diiday talooyinka ah inuu u duulo dhanka galbeed, taas oo badbaadin lahayd.
Markii ay qorraxdu dhacday 🌅 oo mugdigu soo galay, shidaalka diyaaradaha ayaa gabaabsi noqday. Abbaaro 6:20-kii fiidnimo, waxaa la maqlay amarkii ugu dambeeyay ee Taylor uu siinayay raggiisa, kaas oo ahaa mid calool xumo leh: "Marka diyaaradda ugu dambeysa shidaalku ka dhaco 10 gallon, dhammaanteen si wadajir ah ayaan u degaynaa (badda ugu dhacaynaa)." Intaas wixii ka dambeeyay, xiriirkii Flight 19 wuu go'ay, weligoodna dib looma arag.
Musiibadu intaas kuma ekaan 💥. Isla habeenkaas, diyaarad weyn oo ah nooca PBM Mariner oo loo diray in ay soo badbaadiso kooxda luntay ayaa iyaduna hawada ku qaraxday wax yar kadib markii ay kacday. Waxaa halkaas ku geeriyooday 13 askari ee saarnaa diyaaraddaas samata bixiska, taas oo tirada guud ee dhimashada ka dhigtay 27 qof maalintaas, marka lagu daro 14-kii hore.
Muddo shan maalmood ah ⏳ ayaa la waday baadi-goob ballaaran oo ay ka qayb qaateen boqolaal diyaaradood iyo maraakiib, balse wax raad ah lagama helin burburka diyaaradahaas ama meydadka dadkii saarnaa.
Sanado badan, dadku waxay is weydiinayeen sababta dhabta ah ee ka dambaysay lumitaanka diyaaradahaas 🤔. Qaar baa ku eedeeyay cillad farsamo oo ku timid qalabka jiheynta, qaar waxay eedda dusha u saareen hoggaamiye Taylor oo ku adkeystay go'aan qaldan, halka qaar kalena ay la xiriiriyeen awoodo dahsoon oo ka jira Saddex-xagalka Bermuda ama waxyaabo ka baxsan dabiiciga (UFOs) 🛸. Si kastaba ha ahaatee, illaa maanta, lumitaanka Flight 19 waxay weeye mid ka mid ah siraha ugu waaweyn ee taariikhda duulimaadyada adduunka, iyadoo badda hoosteeda ay ku qarisay jawaabta dhabta ah ee wixii dhacay galabtaas masiibada ahayd 🌊.
#HAADKADUULA #QisoXaqiiqoAh #Flight19 #BermudaTriangle #DhacdooyinLayaabLeh #TaariikhMadow #QisooyinNaxdin #BloggerSomali #SirtaBadweynta
0 Comments