Ticker

6/recent/ticker-posts

😯THE STORY OF THE GRINNING MAN

 πŸ•―️ QISADA NINKA DHOOLLA-CADDAYNAYA (THE GRINNING MAN)


Waa makhluuq bini aadam u eke ah oo dadka argagax geliya xilliyada habeenkii πŸŒ™, kaas oo loo bixiyay magacyo badan balse caan ku ah "Ninka Dhoolla-caddaynaya" (The Grinning Man) 😨.


Tilmaantiisa waxaa lagu sheegaa inuu dhererkiisu gaarayo ilaa toddoba fiit (7ft) 🧍, garbo ballaaran iyo jir muruqyo leh πŸ’ͺ. Waxaa lagu tilmaamaa inuu leeyahay indho yaryar oo kuul u eg kuwaas oo si dabiici ah u kala fog, san yar, iyo madax aan wax timo ah lahayn. Inta badan waxaa lagu arkaa isagoo xiran suudh cagaaran oo dhalaalaya πŸ’š. Wejigiisa kama muuqato shucuur binu-aadam (Inleen maba ahee), marka laga reebo inuu mar kasta sameynayo dhoolla-caddayn ballaaran oo aan farxad ahayn (Argagax leh) 😱 Laakiin ah mid cabsi iyo xanaaq xambaarsan. Dadka arkay waxay sheegeen in afkiisu dhoolla-caddaynayo, laakiin indhihiisu aysan marnaba dhoolla-caddaynayn, taas oo abuuraysay dareen dhimasho ah ⚠️.


1. Dhacdadii Ugu Horreysay: New Jersey (1966)


Dhacdadii ugu horreysay ee la diiwaan galiyay waxay ka dhacday gobolka New Jersey, habeenkii 11-kii Oktoobar 1966. Laba wiil oo dhallinyaro ah ayaa gurigooda u sii socday xilli dambe oo habeen ah 🌌. Waxa ay mareen waddo mugdi ah oo dhinaca ku haysa xayndaab silig ah. Waxay arkeen nin aad u dheer oo xiran suudh cagaaran oo dhalaalaya, kaas oo taagnaa xayndaabka gadaashiisa. Markii ay dib u eegeen, waxay arkeen wejiga aan qaabka binu-aadamka ahayn ee ninkaas iyo dhoolla-caddayntiisa argagaxa leh 😨. Wiilashii oo aad u naxsan ayaa goobtii ka cararay.


2. Kulankii Woodrow Derenberger: West Virginia (1966)


Saddex toddobaad ka dib dhacdadaas, meel u jirta 500 oo mayl gobolka West Virginia, nin la oran jiray Woodrow Derenberger ayaa gaarigiisa isagoo wada habeenkii 2-dii November πŸš—. Waxaa hor istaagay shay duulaya oo aan la garanayn (UFO) πŸ›Έ, kaas oo gaarigiisa ku qasbay inuu istaago. Waxaa shaygii ka soo degay makhluuq dheer oo leh indho kala fog iyo dhoolla-caddayn ballaaran. Ninkan qariibka ah ayaa maskaxda kala hadlay Woodrow (isagoon afkiisa isticmaalin), wuxuuna isugu sheegay magaca "Indrid Cold." Wuxuu weydiiyay su’aalo dhowr ah ka hor inta uusan dib u noqon, isagoo u sheegay inuu mar kale soo booqan doono.


3. Dhacdadii Qoyska Lily


Isla xilliyadaas, qoyska Lily oo degganaa agagaarka Point Pleasant ayaa la kulmay dhacdooyin naxdin leh 🏠. Guryahooda waxaa ka dhacayay dhaqdhaqaaqyo aan la garanayn (Poltergeist). Gabadhooda yar ee Linda ayaa habeen ku soo toostay guux, waxayna aragtay nin aad u weyn oo dhoolla-caddaynaya oo sariirteeda dul taagan πŸ‘€. Gabadhii way qaylisay oo gogosheeda hoosteeda ayay gashay, markii ay dib u soo eegtayna ninkii way wayday.


4. Dhacdadii Scotland (1972)


Makhluuqaan kuma koobnayn Maraykanka oo kaliya. Sannadkii 1972, haweeney la oran jiray Mary Elizabeth McCray oo ku noolayd Scotland guri cidla ah, ayaa la kulantay dhacdo naxdin leh. Habeen ayay maqashay dhawaaq "qiq" ah (clicking sound) πŸ”Š. Waxay daaqadda qolkeeda jiifka ka aragtay weji leh indho madow iyo dhoolla-caddayn xun. Isla markiiba jarkeedii wuu bararay oo ruxmay (paralysis), jirkdeedana kor ayuu u kacay (levitation) πŸŒ€. Markii ay miyirsatay subaxdii, daaqaddii way furnayd, inkastoo ay hubtay inay xirtay ka hor inta aysan seexan.


Gebogebo:


Ilaa maanta lama garanayo waxa uu yahay "Ninka Dhoolla-caddaynaya" πŸ€”. Dadka qaar waxay aaminsan yihiin inuu yahay makhluuq shisheeye ah (Alien) πŸ‘½, qaar kalena waxay u arkaan jin ama rooxaan. Dhammaan dadka la kulmay waxay ka siman yihiin hal shay: Cabsi aan la qiyaasi karin oo ka dhalatay dhoolla-caddayntiisa aan dhammaadka lahayn iyo magaca uu mararka qaar sheegto oo ah... Indrid Cold.


#HAADKADUULA #QisadaNinkaDhoollaCaddaynaya #IndridCold #SheekoXariir #Cabsi #SirtaAdduunka #AfSomali

Post a Comment

0 Comments