Ticker

6/recent/ticker-posts

🌎THE STORY OF THE CURSE OF THE ATUK SCRIPT (THE CURSE OF ATUK)

 πŸ•―️ SHEEKADA INKAARTA QORAALKA ATUK (THE CURSE OF ATUK)


Dunida ilbaxnimada gaartay, ereyga qorani wuxuu ahaa kan ugu saamaynta badan dhammaan qaababka is-gaarsiinta kumanaan sano ka hor oo casrigaan soo tiijamayay. Qoraalku wuxuu ina baray ciddii aan ahayn iyo ciddii aan noqonayno mustaqbalkeena πŸ“œ. Laakiin mararka qaarkood, qalinka ayaa ka awood badan seefta haddii loo adeegsado dhanka dagaalka. Qoraa filimada sameeya oo lagu magacaabo Todd Carroll ayaa arrintan ogaaday, kana bixiyey aragti naxdin leh.


Sanadkii 1977-kii, Carroll waxaa loo xilsaaray inuu qoraal filim ka sameeyo buugga la yiraahdo "The Incomparable Atuk". Sheekada filimku waxay ku saabsanayd nin dhalinyaro ah oo ka soo jeeda qabiilada Eskimo-ga (Inuit), kaas oo yimid magaalada New York, kadibna ku lug yeeshay ganacsi dhul oo musuqmaasuq ah, ugu dambayntiina isku dayay inuu badbaadiyo tuuladiisa πŸ™️. Waxay ahayd sheeko qosol iyo majaajilo ah, balse cidina ma ogeyn masiibada ka dambaysa qoraalkan.


Masiibada koowaad waxay dhacday markii qoraalka loo bandhigay jilaagii caanka ahaa ee John Belushi sanadkii 1982-kii 🎭. Belushi wuu aqbalay doorka, laakiin nasiib darro, marnaba ma uusan jilin. 5-tii Maarso 1982, saaxiibkiis Bill Wallace ayaa maydkiisa ka helay qolka hoteelka Chateau Marmont ee Hollywood. Baaritaankii la sameeyay waxaa lagu ogaaday inuu u dhintay daroogo xad-dhaaf ah (Cocaine iyo Heroin) isagoo jira da’da 33 sano oo kaliya.


Inkastoo dhimashada Belushi ay ahayd mid naxdin leh, haddana mashruucii filimku ma istaagin. Sanadkii 1987-kii, waxaa qoraalkii loo dhiibay jilaa kale oo majaajiliiste ah oo la oran jiray Sam Kinison. Kinison wuu aqbalay, waxaana la bilaabay duubista, laakiin dhibaatooyin dhaqaale iyo is-qabqabsi ayaa sababay in filimka la joojiyo. Kinison wuxuu dalbaday in qoraalka wax laga beddelo, taas oo keentay in shaqada laga ceyriyo. Laakiin sheekadu intaas kuma harin. 10-kii Abriil 1992, Kinison isaga oo gaarigiisa wata ayuu shil galay πŸš—. Intii uu sakaraadka ahaa, Kinison wuxuu la hadlayay cid aan la arkayn, isagoo leh: "Ma rabo inaan dhinto... Ma rabo inaan dhinto," kadibna si tartiib ah u yiri "Hagaag, Hagaag, Hagaag," wuxuuna ku geeriyooday goobtii isagoo 38 jir ah.


Dhimashada Kinison kadib, dadka qaarkood waxay bilaabeen in ay shakiyaan πŸ€”, laakiin inta badan laguma darin xisaabta ilaa qoraalkii gacanta loo galiyay jilaagii weynaa ee John Candy sanadkii 1993. Candy wuu aqbalay doorka, wuxuuna u safray dalka Mexico si uu u soo dhammaystiro filim kale. 4-tii Maarso 1994, John Candy waxaa laga helay qolkiisa hoteelka isagoo dhintay sababo la xiriira wadno-xanuun degdeg ah ❤️. Waxaana la sheegay in markii la helayay uu gacanta ku hayay qoraalka filimka "Atuk".


Musiibadu intaas kuma ekaan. Qoraagii iyo saaxiibkii Michael O'Donoghue, oo ahaa ninkii qoraalka u dhiibay John Candy, ayaa isna dhintay siddeed bilood kadib dhimashadii Candy, isagoo u geeriyooday dhiig-furan maskaxda ah 🧠.


Sanadkii 1996, mashruucii waa la soo nooleeyay markale. Chris Farley, oo ahaa jilaa aad u jeclaa John Belushi, ayaa loo bandhigay doorka Atuk. Farley wuxuu rabay in uu raaco wadadii sanamkiisa Belushi, sidaas darteed wuu aqbalay. Laakiin masiibadii laysay dadkii hore ayaa soo weerartay. Bishii Disembar 1997, Chris Farley waxaa laga helay gurigiisa isagoo u dhintay daroogo xad-dhaaf ah iyo wadno istaag πŸ’”. Waxa xusid mudan inuu ku dhintay isla da'dii John Belushi (33 sano).


Dhibbanaha xiga wuxuu ahaa Phil Hartman, oo saaxiib dhow la ahaa Farley, isla markaana loo qorsheeyay door ka mid ah filimka. Shan bilood kadib dhimashadii Farley, bishii May 1998, Hartman waxaa toogatay xaaskiisa Brynn xilli uu hurdayay πŸ”«, kadibna iyada ayaa is-dishay.


Ugu dambayntii, qoraalka "Atuk" waxaa lala xiriiriyay dhimashada todobo qof oo caan ah (Belushi, Kinison, Candy, O'Donoghue, Farley, iyo Hartman). Inkastoo dadka qaar ay aaminsan yihiin in qaab nololeedka jilayaasha ee daroogada iyo caafimaad darrada ahayd ay sabab u tahay dhimashadooda, haddana isku soo aadka dhacdooyinkaan ayaa abuuray halxiraale cabsi leh πŸ•―️. Qoraalkii Atuk hadda waa la xareeyay, laguna joojiyay meeshiisii, cid ilaa hadda isku dayday in ay dhamamystirtana ma jirto. Waxaana loo arkaa mid inkaaran oo aan la taaban karin. Ma habaar baa mise waa shilal isku soo aaday? Jawaabta dhabta ah cidina ma hayso, laakiin xaqiiqadu waxay tahay in qoraalkani uu galaaftay nolosha dad badan oo hibadooda la jeclaa.


#HAADKADUULA #QisoDhabAh #InkaartaAtuk #SheekoXariiro #DhacdoNaxdinLeh #Misteri #QisooyinNaxdin #BloggerSomali #SirMadow

Post a Comment

0 Comments