Sannadkii 1947-kii, marin-badeedka "Strait of Malacca" oo u dhaxeeya wadamada Malaysia 🇲🇾 iyo jasiirada Sumatra ee wadanka Indonesia 🇮🇩 kana mid ah marinnada ugu mashquulka badan Dunida 🌎 ayaa waxaa ka dhacday dhacdo la yaab leh.
Dhowr markab 🚢⛴️🛳️ oo marayey aaggaas ayaa mar qura wada qabtay fariin 'SOS' ah oo aad u naxdin badan, taas oo ku qornayd koodka 'Morse'-ka, ilaa haddana aan la garanayn halka ay ka timid.
Fariinta qaybteeda hore waxay u dhignayd: "Dhamaan saraakiishii, oo uu ku jiro kabtankii way dhinteen, waxayna yaalaan qolka khariidadaha iyo buundada markabka 🧑🧒🧒🧑🧒🧑🧑🧒🧒.
Waxaa laga yaabaa in shaqaalaha oo dhan ay dhinteen." Wax yar kadib, fariin labaad oo ahayd tii ugu dambaysay ayaa soo dhacday, waxayna lahayd: "Waan dhimanayaa."
Intaas kadib aamusnaan ayaa soo hoyatay, waxaana la waayey wax calaamad dambe ah🧏🏻.
Markab ganacsi oo Maraykan ah oo la oran jiray Silver Star🛳️ ayaa ahaa midka ugu dhaw halka signalku ka imaanayey, wuxuuna si degdeg ah u aaday jihadaas.
Saacado kadib, waxay arkeen markabka SS Ourang Medan oo badda dhex sabeynaya.
Markabku wuxuu u muuqday mid aan waxba gaarin, laakiin cidna kama jawaabayn isku-daygii raadiyowga iyo seeriga, mana jirin dhaqdhaqaaq ka muuqday dushiisa.
Koox gurmad ah oo ka socota Silver Star ayaa markabka koray, waxaana indhahooda qabtay muuqaal argagax leh. Dhamaan shaqaalihii markabka, laga soo bilaabo kabtanka ilaa shaqaalaha hoose, way wada dhinteen.
Meydadkoodu waxay daadsanaayeen sagxadda, qolka hagidda, iyo qolalka matoorka. Waxaa la yaab lahayd qaabka ay u dhinteen; indhahoodu way taagnaayeen oo samada ayey eegayeen, afkoodu wuu kala, wajiyadooduna waxay muujinayeen cabsi iyo argagax aan la qiyaasi karin.
Gacmahooda iyo lugahoodu waxay ahaayeen kuwo qallalay sidii iyagoo iska difaacaya wax soo weeraray.
Xataa eygii markabka ayaa dhintay isagoo ilkihiisa caddeynaya oo u muuqda mid xanaaqsan.
Inkastoo meydadku ay sidaas u yaaleen, haddana jirkooda kama muuqan wax dhaawac ah, dhiig, ama calaamado dagaal.
Waxaa intaas dheeraa, inkastoo hawadu ay aad u kululayd maalintaas (qiyaastii 37°C), haddana markabka gudihiisa waxaa laga dareemayey qabow daran oo qariib ah (qiyaastii 4°C). Raadiyowgiina, ninkii fariinta diray wuxuu ku dhintay isagoo weli gacanta ku haya qalabkii isgaarsiinta.
kabtankii Silver Star wuxuu go'aansaday inuu markabka jiido oo geeyo dekedda si loo baaro sababta dhabta ah ee dhimashadan wadareed. Shaqaalihii gurmadka waxay isku xireen labada markab, laakiin wax yar kadib, waxaa qiiq qaro weyn ka soo baxay qeybta afaraad ee xamuulka Ourang Medan.
iyadoo laga cabsi qabo dab, kooxdii gurmadka waxay si degdeg ah u jareen xariggii ay ku jiidayeen markabka. Daqiiqado yar kadib, SS Ourang Medan wuxuu u qarxay si aad u xoog badan oo ruxday badda, taasoo keentay inuu markabku kor u kaco, kadibna uu isla markiiba badda hoosteeda quuso.
Qaraxaas wuxuu tirtiray dhamaan raadkii iyo caddeymihii sharxi lahaa wixii dhacay.
Sanado badan kadib, baaritaanno la sameeyay ayaa soo jeediyay in markabku uu siday xamuul kiimiko ah oo sharci-darro ah oo isugu jiray Potassium Cyanide iyo Nitroglycerine. Waxaa la aaminsan yahay in biyaha badda ay galeen qeybta xamuulka, halkaasna ay fal-gal kiimikaad kula sameeyeen sunta, taasoo dhalisay gaas sun ah oo si degdeg ah, laakiin aan la arki karin, u laayey dhamaan shaqaalaha, ugu dambayntiina sababtay in markabku gubto oo uu qarxo, isagoo sirihiisa la galay badda gunteeda
.png)
2 Comments
Waa sheeko culus.
ReplyDeleteCajiib
ReplyDelete