📰 **Sheekadu way ka weyn tahay Gaza..** 🌍
Sheekadu way ka weyn tahay Gaza.. Gaza-na ma aha hadafka rasmiga ah. Aan sheekada dhanka kale kaaga soo bilaabo, si caddaan ah oo aan madmadow ku jirin.
Waxa hadda daaha gadaashiisa ka socda ee ku saabsan Golaha Nabadda ama "Board of Peace" ee uu Aqalka Cad ku dhawaaqay, waa arrin aad uga baaxad weyn mashruuc dib u dhis loogu sameynayo magaalo xasuuq burburiyay 🏚️.
Waana arrin ka khatar badan sida caqliga siyaasadeed ee caadiga ahi qiyaasi karo ⚠️;
dadka qaar waxay u arkaan tallaabo nabadeed 🕊️, laakiin xaqiiqdii wuxuu wajahayaa caalamka Inqilaab Dadban oo lagu sameynayo nidaamka caalamiga ah oo dhan 🌐.
Gaza-na halkaan ma aha qadiyadda, balse waa Marmarsiinyo ama albaabkii uu Donald Trump kasoo geli lahaa si uu u dhiso adduun cusub 🚪.
Si aan u fahanno baaxadda musiibada, waa inaan dib u yara noqonnaa ⏳, sababtoo ah laga soo bilaabo daqiiqaddii uu dagaalka Gaza qarxay, adduunka oo dhami wuxuu daawaday xaqiiqo naxdin leh oo aan la dafiri karin 😔.
Taas oo ah in qawaaniintii caalamiga ahayd ee loo arkayay Dastuurka lama-taabtaanka ah ee lagu aasaasay dhiiggii Dagaalkii Labaad ee Adduunka kadib ay gebi ahaanba dumeen 📜❌, hay'adihii lagu magacaabi jiray Damqashada Adduunka sida Qaramada Midoobay iyo Golaha Ammaanka ay noqdeen kuwo curyaan ah oo daawanaya xasuuqa iyagoon waxba ka qaban karin 👀.
Taasina waxay adduunka ku abuurtay boos-bannaani hoggaamineed oo cabsi leh 🌑, bartamaha firaaqadaas mugdiga ahna waxaa kasoo dhex baxay Donald Trump, ma aha kaliya madaxweyne ahaan, balse waa Qandaraasle caalami ah oo u yimid inuu dumiyo nidaamkii hore ee gaboobay, dhisana nidaam cusub oo isaga u gaar ah 🏗️.
Trump waligiis ma uusan qarin nacaybka uu u qabo Qaramada Midoobay, wuxuuna marar badan ku tilmaamay inay tahay kaliya Naadi lagu caweeyo 🎭, wuxuuna qorsheynayaa inuu ku beddelo Shirkad Saami wadaag ah oo uu isagu shakhsi ahaan maamulo 💼.
Arrintaasina waxay si cad u muuqataa marka aad akhriso faahfaahinta sirta ah ee laga sheegay golahan cusub 🔍, halkaas oo siyaasaddii loo beddelay Ganacsi cad 💰. Sababtoo ah golahan yaabka leh, xubinnimadu ma aha xuquuq ay dowladuhu leeyihiin sidii hore, balse waa Heshiis Kiro ah oo soconaya muddo saddex sano ah kaliya ⏱️.
Laakiin akhriste naxdinta dhabta ahi waxay ku timid warka hadda soo dhacay ee xaqiijinaya qodobka ugu halista badan ❗
Sharciga golahan wuxuu dhigayaa in dowladda bixisa lacag gaareysa Hal Bilyan oo Dollar ay helayso xubinnimo joogto ah 💵.
Isla markii warkaas soo baxayba, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa si degdeg ah ugu dhawaaqay inuu diyaar u yahay inuu bixiyo $1 Bilyan oo dollar si uu uga mid noqdo golahan, isagoo weliba Trump uga mahadceliyay martiqaadkan 🤝.
Tani waxay kuu caddeynaysaa in kursiga nidaamkan cusub ee caalamiga ah uu yeelan doono ciddii lacag haysata 💸, ee uusan yeelanayn ciddii xaq u leh. Waxaas oo dhanna waxay ku socdaan hoggaanka Trump oo kaligiis haysta Remote Control-ka 🎮.
Arrintuna kuma koobna siyaasadda kaliya, balse waxaa jira waji dhaqaale oo aad u cabsi badan 😨 oo aan dad badani u fiirsan, kaas oo ah Dabinka Dib u dhiska 🏗️.
Sida aan ognahay Gaza waxay u baahan doontaa Balaayiin dollar 💣➡️💰, laakiin falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in Gaza ay tahay kaliya Goob Tijaabo 🧪.
Trump-na wuxuu doonayaa inuu tijaabiyo muu awoodaa inuu nabadda iyo maamulka adduunka ku soo rogo lacag isagoo ka maarmi kara sharciga caalamiga ah ❓
Haddii tijaabadaasi ay ku guuleysato Gaza, faylka xiga wuxuu noqon doono Ukraine 📂. Waana tan caddeynta: Putin wuxuu hadda shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay in hantida Ruushka ee xayiran loo isticmaalo dib u dhiska qeybo kamid ah Ukraine heshiiska nabadda kadib.
Marka qorshuhu waa isku mid; lacag, ganacsi, iyo dib u dhis lagu beddelayo xuquuqdii iyo sharcigii ⚖️❌.
Waqtigan xaadirka ah, adduunku wuxuu si degdeg ah ugu kala jabay laba qeybood 🌍; qeyb argagaxsan oo ay hoggaaminayaan dowladaha Yurub, iyo qeyb kale oo go'aansatay inay la macaamisho xaqiiqada cusub.
Waxaa hadda si Rasmi ah martiqaadkii Trump u aqbalay dowladda Sucuudiga, waxaana ku biiraya Turkiga, Qadar iyo xitaa Ruushka 🤝🌐.
Halkan waxaa laga yaabaa inaad isweydiiso: Sidee bay ku dhacday in dowlado Muslimiin ah iyo Ruushkuba ay hal miis la wadaagaan mashruuc uu hoggaaminayo Trump uuna goobjoog ka yahay Netanyahu? 🤔
Jawaabtuna waxay ku jirtaa luqadda danaha ee qabow ❄️. Dowladahani waxay fahmeen in tareenkii dhaqaaqay 🚆, golahanna uu noqon doono Jikada cusub ee lagu karin doono go'aannada Gobolka iyo Adduunka 🍽️. Sidaas darteed waxay go'aansadeen si ay danahooda u ilaashadaan inay miiska fadhiistaan, intii ay iyagu noqon lahaayeen Cuntada la cuno ee miiska saaran.
Hadaba aqyaarta, waxaynu daawanaynaa dhammaadka xilli taariikheed oo dhan ⏳. Haddii Golaha Nabadda ee Trump uu guuleysto, taasi waxay ka dhigan tahay inaan macsalaameynay casrigii Sharciga Caalamiga ahaa 👋📜.
si rasmi ahna aan u galnay casrigii Sharciga Hawdka ee Maraykanka 🦅, halkaas oo awooddu ay leedahay ciddii haysata lacagta iyo hubka 💵🔫.
Gabgabadii Su'aasha cabsida leh ee aan halkan kuugu dhaafayo 😶🌫️:
Adduunku ma aqbali doonaa dhab ahaantii in loo maamulo sida shirkad gaar loo leeyahay oo $1 Bilyan lagu kala gato kuraasta?
#HAADKADUULA
#FalanqaynSiyaasadeed
#NidaamkaCaalamiga
#Gaza
#SiyaasadAdduun
#Trump
#QaramadaMidoobay
#AwoodIyoLacag
#MaqaalFeker
#BloggerSomali
#AfSoomaali
0 Comments