🕋✨
Waa ninka leh codka lagu tilmaamay Codkii dahabiga ahaa.. Waa Xanjuraddii Dahabiga ahayd ee sababtay in malaayiin qof oo Gaalo ah ay kusoo biiraan Diinta Islaamka, markii ay maqleen quruxda codkiisa oo kaliya.
📖🤍
Maanta waxaynu ka sheekaynaynaa Halyeeygii Quraanka, Sheekh Cabdulbaasid Cabdusamad..
🌍🇪🇬
Wuxuu ku dhashay tuulo yar oo ku taal dalka Masar sanadkii 1927. Wuxuu kasoo jeedaa qoys Quraanka la saaxiib ah .. awoowgiis iyo aabihiisba waxay ahaayeen culimo Quraanka si fiican u akhriya.
👶📖
Isagoo 6 jir ah ayuu bilaabay xifdiga Quraanka, balse mucjisadu waxay dhacday markuu 12 jir noqday Magaciisu wuxuu gaaray meel walba, isagoo noqday wiilka yar ee mucjisada ah ee lagu casuumo munaasabadaha waaweyn..
⏳🌟
Hase yeeshee, Sanadkii 1950-kii, ayay dhacday qisadii badashay taariikhda.
Wiil dhalinyaro ah oo aan cidina garanayn ayaa galay Masaajidka weyn ee Sayyida Zaynab oo ku yaalla Magaalada Qaahira. Wuxuu ka codsaday maamulka inuu akhriyo 10 daqiiqo oo kaliya.
🕌🔊
Markuu billaabay aayadda.. Faa ammaa man acdaa wattaqaa, masaajidkii wuxuu noqday mid aamusay oo dhagta taagay..
⏱️😭
Tobankii daqiiqo waxay isku badashay saacad iyo bar Dadkii ayaa masaajidka ruxay Takbiir iyo ilmo awgeed. Maalintaas wixii ka dambeeyay, dunidu waxay baratay codka sheekh Cabdulbaasid.
📻🌍
Caannimadiisu waxay gaartay heer dadku ay si gaar ah u iibsadaan Raadiyowga si ay u maqlaan codkiisa, gaar ahaan maalinta Sabtida. Saamaynta uu yeeshay darteedna, waa qaariga kaliya ee loo bixiyay Codkii Makkah, taas oo ah sharaf aan cid kale la siin.
🧍♂️⚖️
Hadaba Wuxuu ahaa nin leh shakhsiyad adag. Bal ila eeg dhacdadan taariikhiga ah:
Markuu tagay dalka Koonfur Afrika, xilligii cunsuriyadda midab kala sooca, waxaa la dajiyay meel dadka cadaanka ah u gaar ah, waxaana laga dalbaday inuu iyaga kaliya u akhriyo..
✋🕊️
Sheekhu wuu diiday.. Wuxuuna yiri: "Quraanku waa mid u dhaxeeya dadka oo dhan, ma ahan mid dad gaar ah kusocda." Wuxuu ku qasbay inay isku keenaan dadka Madowga iyo Cadaanka ah hal meel, taasoo ahayd arrin naadir ah xilligaas.
🎤⚡
Awoodda codkiisa waxaa laga sheegay qisooyin layaab leh. Mar uu joogay Masjidka Al-Aqsa, xoogga codkiisa iyo Jawaabta sare ee uu gaarayay, waxay sababtay in qalabkii codka Microphone-ka uu qaadi waayo gariirka codkiisa, ilaa uu cilad yeesho..
😭📜
Mar kalena isagoo jooga Dimishiq, wuxuu dadka ka oohiyay si wadajir ah markuu akhrinayay Suuratul Yuusuf, ilaa uu qasbanaaday inuu hakiyo akhriska si dadku u dagaan.. Allahu Akbar.. ☝️❤️
🩺😔
Noloshiisii dambe wuxuu la xanuunsaday cudurka beerka iyo sonkorta. Markuu ku sugnaa London oo xaaladdiisu aad u liidato, wuxuu dareemay in waqtigiisii dhamaaday. Wuxuu wiilkiisa ku yiri cod ay ka buuxdo murugo iyo xiiso: Igu celi dhulkaygii.. waxaan rabaa inaan Rabbigay kula kulmo anigoo dhex jooga dadkayga..
🕯️🗓️
Taariikhdu markay ahayd 30-kii November 1988, ayuu geeriyooday. Janaasadiisii waxay ahayd mid kamid ah kuwii ugu waynaa taariikhda, iyadoo ay kasoo qayb galeen madax, culimo, iyo malaayiin dadweyne ah.
🤲📖
Alle ha u naxariisto Sheekh Cabdulbaasid.. Jismigiisu wuu naga tagay, laakiin codkiisu weli wuu nala nool yahay, wuxuuna sii ruxayaa quluubta malaayiin Muslimiin ah .
#HAADKADUULA
#SheekhCabdulbaasid
#QuraankaKariimka
#HalyeeyQuraan
#TaariikhIslaam
#QisoDhabAh
#CodkiiDahabigaAhaa
#BloggerSomali
#IslamicHistory
#QuraanRecitation
0 Comments